Soomaalida Norway oo markii ugu horeesey Suuq weyn ka furteen Oslo.
Suuq cusub oo lagu magacaabo Caramel Shoping ayaa maanta laga furey magaaladda Oslo ee caasimada Norway,
Suuqaan ayaa ah midkii ugu horeeya oo nuuciisa ah ay Soomaalida Norway furteen,waa suuq ka kooban ilaa 12 dukaan, oo isugu jira dukaaman dhar,elektronic,macmacaan, maqaayad, iyo kafeteeriya.
Dukaamadan ayaa waxaa gacan ka qaatey furitaankooda Soomaali isku tagtey oo ku shirkowdey in ay habeeyaan, waxaana madax u ah Axmed Maxamed Sheekh(Axmadey).
Nuxur Media oo wareysatey madaxa Suuqa ayaa u sheegey in dadaal dheer kadib ay ku guuleesteen in hawl geliyaan dukaamadan oo ay gabi ahaanba gacanta ku haayaan Soomaali.
Soo saare: Cali Waddani
Sawir Qaade: Cali Waddani
Habaynta: Deeq
Filim Qaade:- Cabdalle
www.nuxur.com
email:- maamulka@nuxur.com
nuxur1@gmail.com

















