Caruusa salon oo laga furay magaalada Oslo (DAAWO).
Caruusa Salon oo laga furey Oslo, Saloonkan cusub oo lagu qurxiyo dumarka ayaa dhowaan laga furey suuqa Caramel Bazaar ee Oslo, Caruusa Salon ayaa usoo bandhigtey Saxaafadda Soomaalida ee Oslo qalabka iyo farsamada ee kusoo kordhisey hawlaha ay qabato.
Caruusa Salon ayaa ah goobtii ugu horeesey ee loogu tala galay qurxinta dumarka khaas ahaa dumarka xijaaban iyo kuwa kaleba, waxaa sidoo kale ee uga duwan tahay dukaanka caruusa, waa goob aan loo ogoleyn in ay soo galaan ragga oo waa ka mamnuuc, dumarka ayaa waxaa loogu tala galay in ay sidee rabaan u mushaaxaan inta shaqada ay doonayaan loo qabanayo.
Caruusa Salon ayaa sidoo kale kusoo bandhigtey qaabka ay u shaqeeyaan, ayagoo u kala saarey, madax hagaajin, cilaan saar, dharka sadka loo yaqaano, qurxinta goobaha ay ka dhacaan aroosyada, oo ay ka dhigayaan naqshada aad jeceshahay.
Caruusa Saloon ayaa ah goob aad ka heli karto qurxinta dumarka nuuc kasta, ma aha oo kaliya mid loo shaqeynaayo aroosadda kaliye, laakiin gabar kasta oo dooneysa in ay isku qurxiso ninkeeda ay sidoo kale ka caawin karaa qurxinteeda , waxaa intaa dheer hadii aad xaflad khaas leedahay in Caruusa ay kaa caawin karto sidoo kale.
Waxii warar dheeraad kala soco
www.nuxur.com
webmaster@nuxur.com
nuxur1@gmail.com

maansha allah waxaan mahad gaar ah u celinayaa wiilka somaliyeed ciise inaad u ciyaarayso wadankaagii hooyo mnsha lalah waxaan ku leeyahay guul iyo gobonimo waxaaana kugu garan taaganahay ciyaartaada aad soo bandhigtay adoo matalay qaranimada somaliyeed isagoo jooga wadanka norway