Soomaalida Norway oo muujiyey fikirkooda ku aadan Shirka ka dhici doono London beri 23.02.2012
Soomaalida Norway oo muujiyey fikirkooda ku aada Shirka ka dhici doono London beri 23.02.20, Aruurin aan ku sameeyney ra’yiga dad weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo iyo agaheeda.
Rayi aruurinta ayaa ka muuqato fikrado kala duwan oo ay Soomaalida ka qabaan arinta shirka London, Ingiriska oo gogosha dhigey iyo wadamada reer galbeedka oo hal dhinac kasoo jeestay, waa sida ay hadalka u dhigeen qaar ka mid dadka aan wareesaney.
Soomaalida ayaa waxay tusinayaan in kalsoonida ay ku qabaan DKMG ay aad u yartahay khaasatan madaxda Soomaaliyeed oo u muuqda kuwa aan dan ka lahayn baahida shacabka amaba ay xiiseynayaan shirarkaas oo kaliya, halka qaar ay muujinayaan in laga yaabo wadanka lahoos geeyo wadamada deriska iyo shaqsiyaad Afrikaan ah.
Waxaa Su’aasha ay tahay ”dadka maxaa ku dhaliyey kalsooni xumada” ? waxaa la dhihi karaa wax qabad la’aan iyo madaxda oo shaqadooda kasoo bixin, iyo wax badan oo ka qarsan shacabka oo shaki weyn ka qabaan waxa ay saxiixaan madaxda Soomaaliyeed.
Halkan ka daawo Fiidiyowga

