Dhalinyarada Isboortiga ee magaalada Oslo oo soodhaweyn u sameeyay Col. Maxamed deeqow macalin.
Waxaa Soo garey Magaalada Oslo ee dalka Norwey oo Boqasho gaban Ku yimi Kol. Maxaned deqoow macalin oo ka mid ahaan jirey kooxdii caanka ahayd ee cawa iyo maalin Horseed isla markasna ka mid ahaan jirey saraakiishii hore ee ciidanka booliiska soomaliyeed waqtigii dowladii dhexe ka hor dagaaladii sokeeye. Macalinka oo qeyb weyn ka soo qaatey hormarinta isboortiga somaaliyeed intii uu ku noolaa qurbaha ama wadamada yurub intii uu joogey, macalinka waxaa si isku duubni ah ugu soo dhoweeyay bahda isboortiga Norway iyagoo ku xasuusta Asaaskii ururka weyn ee dhaqanka iyo ciyaaraha oo marka la soo gabiyo la yaqaano SUKAO iyo dhalinyaradii uu ku diyaariyey Norway waqtigii uu ku nolaa oo hada qarkood ka ciyaara koxaha ugu waweyn wadamadan yurub.
Macalinka waxaa loo sameeyey ciyaaro soo dhoweyn , ka dibna wuxuu casho sharaf la qaatey bahda isboortiga halkaasna lagu kala warqaatey, ugana waramey intii uu u waregay wadanka Sweden wixii uu ka qabtey horumarinta isboortiga iyo badbaadinta ubadka somaaliyeed oo qaar badan ka buuxa xabsiyada wadamada yurub iyo qaar badan oo uu ku badbaadey isbortiga qarkoodna hiigsanayo ineey ka mid noqdaan kooxaha waweyn ee ka dhisan qaaradan Yurub.
Macalinka Ururadii uu ka qeyb qaatey dhisidooda intii uu ku noolaa sweden waxaa ka mid ah ururka EUROSOM iyo Urur weynaha SEUKI oo hada qabta cayaaraha xagaaga qaarada yurub ee lagu qabto sanad walba magaalada stockholm ee dalka Sweden.
Waqtiyadii ugu dambeeyay ayaa Macalinka talooyin ka siiyaa kooxda Banaadir idrotclub ee jaaliyada somaalida magaalada Katrineholm Sweden oo uu gacanta ku hayo ama leyliyo laacibkii hore ee madbacada qaranka Soomaaliya macalin Macoow Xuseen Xasan oo hada u diyaariyey inay ka qeyb galaan tartanka kubada cagta ee gobolka Sörmaland ee wadanka sweden si marka hore looga badbaadiyo dhalinyaradaas sida danbiyada iyo balwadaha xun xun, mustaqbalka dhowna looga helo kuwo matali kara qaranka somaaliyeed ama ka mid noqdo kooxaha waaweyn ee ka dhisan qarada Yurub, isku soo wada dubo waxaa xusid iyo amaan mudan halyeygaa isbortiga ee waqtiga badan galiyey horumarinta isbortiga soomaliyeed oo halkan lagu soo koobi karin.












