Real Madrid oo laga reebay koobka ay ku haminaysay, Real Madrid Vs Bayern Munich 2-1( agg 3:3)
Ciyaartan ayaa waxaa laysla dhaafi wayay bareejo, taasoo markii dambe lagu daray 30 daqiiqad oo dheeraad ah, laakin ayadana waa laysla dhaafi waayay, waxay ugu dambayn qasabtay in ay loo dhigo Rigooro, taas oo lagu kala baxo kooxda finalka aadi doonto iyo kooxda kale oo wareega sadexaad tartan u geli doonto.
Kooxda sida weyn loogu haminayay in ay koobka qaadi doonto ee Real Madrid ayaa waxa labada rigoore ugu horeysay ka qasaariyey Kaka, Ronaldo, ka hor intuusan goolhaye Casillas ka badbaadin labo rigoore ciyaartoyda Bayern ee Kroos iyo Lahm balse waxa ay arintu faraha ka baxday markii Sergio Ramos qasaariyey rigooradii uu ku bareejeyn lahaa.
Ciyaaryahanka Alonso ayuu ahaa ciyaaryahanka goolka kaliya u dhaliyey halka ciyaaryahaniinta Mario Gomez, Alaba iyo Schweinsteiger ay dhaliyeen seddexda gool ay Bayern ku badisay.
Kooxda Bayern ayaa ka maqnaan doono Alaba, Badstuber iyo Gustavo Ciyaarta Finalka ah, waxayna 19 May la balansan yahiin garoonkooda Allianz Arena kula balansan yahiin Chelsea.
Halkan ka daawo Rigoorooyinka.


