Qeybtii 2-aad ee Golaha Midnimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay Sweden.
Golahan dhismahiisa ayaa waxaa ay soo socotay mudo sanad ah qaban qaabadiisa iyadoo maalintii ugu dambeysayna lagu ansixiyay golaha wakiiladda rasmiga ah ee uu yeelanayo, waxaa sidoo kale halkaasi lagu dhawaaqay madaxda sare ee ururka oo lookala magacaabay
1: Enj: Cumar Maxamed Maxamuud Aftooje – Gudoomiyaha Golaha
2: Dr. Sakariye Maxamuud Xaaji – Gudoomiey ku xigeen.
Ugu dambayntii ayaa Golahan si weyn isugu raacay ansixinta iyadoo Goluhuna ka koobnaan doono 114 xubnood oo ku kala nool dunida dacaladeeda, Dhanka kale warmurtiyeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka shaqeyn doono isukeenida iyo mideynta ururada Siyaasadeed ee haatan jira iyadoo isla markaasna laga duulayo hal mowqif.
Waxaa sidoo kale kasoo war murtiyeed ku aadan siyaasada Ururka iyo qaabka uu u shaqayn doono, waxaa intaas dheer in Gollaha qorsheynayo in uu shir weyn guud ku qaban doono wadanka gudahiisa inkastoo la cayimin waqtiga uu dhici doono.
Fiidoyowga wuu soo socdaa.




































































