|

War deg deg ah: Ciidamada Dowlada oo isku dhiriyay wadada dheer ee afgooye, goor dhawaydna baaritaan ka bilaabay lafoole iyo Ceelasha Biya..

Ciidamada Dowlada KMG oo xalay gaaray afaafka hore ee baar ismaaciil oo aan ka fogayn Koontaroolka afgooye ayaa la sheegaya, in goor dhawayd ay halkaas ka bilaabeen baaritaan.

Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa amisom ayaa goor dhawayd isku dhiriyay Deegaanada loo barakacay gaar ahaan, deegaanno ka mid yihiin Ceelasha Biyaha, Calamada, Lafoole iyo kuwa kale.

Ciidamada ayaa baaritaan ka wada xaafadaha iyo wadooyinka, waxaana jira in dadka iyo gaadiidka si isku mid ah loo baarayo saakay.

Sida uu Bogan Nuxur.com u Xaqiijiyay mid ka mid ah goob joogayaasha ku sugan Deegaanada lafoole ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay halkaas soo gaareen, ayna bilaabeen baaritaan ku aadan dadka iyo gadiidka.

Kala soco Bogan Nuxur.com wixii ku soo kordha xaaladaas.

www.Nuxur.com
cabdixakiin@nuxur.com
cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*