Kulan looga hadlayo Qaadashada Caruurta Soomaaliyeed, waxyaabaha keena iyo sida looga caawin karo waalidiinta ayaa ka dhacay magaalda Oslo.
Kulankan ayaa waxaa lagu lafa guray qeybo badan oo ka mid ah waxyaabaha sababa in caruurta laqa qaato waalidkooda, ayadoo lagu eedaynayo in waalidka uusan kasoo bixi karin waajibkiisa ama uusan barbaarin karin caruurta uu dhalay/dhashay, waxaa sidoo kale lagu qeexay in isfahan darro ay jirto oo u dhaxeysa Waalidiinta iyo Hay’adda qaadata caruurta ee loo yaqaano (Barnevernet).
“Barshada Luqada waa furaha wadankan” waxaa soo yiri xubin kasocota
Hay’adda Xanaanadda Caruurta ee(barnevernet), waxaana ay ku tilmaamtay in luqada ay dawr weyn ka ciyaari karto isfahanka waalidiinta iyo Barnevernet, waxaana sidoo kale ugu baaqeen in dadka ay caawin dalban karaan sida ayagoo laga caawiyo in caruurtooda loo hayo waqtiyada fasaxa sida sabtiga iyo axada oo kale hadii ay u baahan yihiin waalidiinta.
Xubnaha Hay’adda Barnevernet ayaa usoo jeediyay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan Cuqdad ka qaadin Hay’adan oo ay wada hadal la sameeyaan, sidoo kale waxaa lagasoo jeediayay goobta in waalidiinta aysan xanaaqin inta wada hadalka uu usocda iyo in aysan saxiixin warqad aysan fahan sanayn waxa ku qoran.
Tawfiiq Islamic Senter ayaa ugu dambayntii soo jeediyay in ay is qoraan waalidiinta doonayo in ay barbaariyaan/koriyaan caruurta Soomaaliyeed oo nasiib daro ku dhacday in laga qaato waalidkooda, si ay markaas uga badbaadaan in loo geeyo waalid aan ku Diin iyo Dhaqan ahayn, taasoo gabi ahaanba keeni karta in caruurtu ka lunto dhaqankoodaiyo diintooda.
Hadii aad dooneysid in aad u noqoto waalid caruur Soomaaliyeed (Foster Foreldre) halkan riix.
“Sharcigaan waxay u samaysteen dadka Norweejiga ah in ay ku ilaashadaan caruurtooda”, waxaa yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil,Asagoo hadalkiisa sii wato ayuu usoo jeediyay dadka Soomaaliyeed in ay fahmaan qaabka ay u shaqeeyaan Hay’addaha u xilsaaran caruurta oo la barto sharciyadooda, lana fahmo nidaamka wadanka u dhigan, Sh.Mustafa ayaa ku celceliyay in midowga bulshada uu fiican yahay, waxuuna yiri :-”Hadii dadka mideysan yahay wax walbo wuu gaari karaa”.
Qaar badan oo Dadkii ka hadlay xafladda ayaa ku saleeyay in sababtu tahay kala duwanaanshaha dhaqanka iyo diinta, waxaana lagu tilmaamay in ay jiraan waxyaaba dhaqankeena ay caadi u tahay, halka wadankan ay ka aamin san yihiin si kaduwan , waxaana asal u ah dhaqanka dadka wadamadan iyo midkeena oo aad u kala fog.
Dadka soogalootiga ayaa lagu sheegay in ay yihiin dadka sida weyn dhibaatada u saamayso, wallow waalidiinta ilamaha laga qaatay ay isugu jiraan kuwa wadanka muddo dheer degnaay, xaga waxbarashada heer sare ka gaaray, waliba si weyn u degay wadanka oo guryo ka gatay iyo waalidiin ay heerka noloshooda/waxbarashadooda hooseeso.
Dhibaatooyinka ayaa noocyo kala duwan u qabsato Waalidiinta Soomaaliyeed, Waxaad ka daawan kartaa qeybta hoose Hooyo Soomaaliyeed oo ka sheekeenaysa dhibaatada ay kala kulantay Hay’adda u xilsaaran xanaanada Caruurta.
Gabagabadii Shirka ayaa waxuu kusoo dhamaaday raynrayn, wada shaqayn iyo midnaan.
Waxaa lagu diyaariyay
Xarunta Nuxur ee OSlo.
waxii warar dheeraad ah kala soco:-
www.nuxur.com















