Casho sharaf lagusoo dhaweynayo wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud.
Wasiirka A.Gudaha C/samad ayaa warbixin dheer ka siiyay dadkii kasoo qeyb galay Casho sharafta, waxaana uu ku dheeraaday warbixinta ku salaysan heshiiska u socda Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, waxaana uu ku sheegay in ay cajiib la noqotay Wadama badan oo ka mid yihiin dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya in wadahadal dhex mari karo Soomaalida dhexdeeda ayagoon lagu dhex jirin, waxuuna raaciyay in uu rajaynaayo in miro fiican ka dhalan doonaan haduu Alla idmo.
General Gaafow ayaa sidoo kale ka hadlay goobta waxuuna carabka ku dhiftay mar su’aal laga weydiiyay caqabadaha hor taagan shirkada diyaaradaha Turkiga ee ka heesata Eelaboorka Aadan cadde, waxuuna kusoo jawaabay in ay cilad isfahan waa iyo mid farsamo ay jirtay, laakiin hadda la xaliyey oo aysan dhici doonin mar dambe haduu Alla idmo.
Dadka kasoo qeybgalay Casho sharafta ayaa ka muuqdey wajiyadooda farxad iyo rayn rayn maadaama lagu sheegay Magaalada Muqdisho ay dib u soo ceshaneyso sharafteedii hore iyo horumarkeeda oo dar dar kusocda.
Ugu dambeyntii Casho sharaftan ayaa ku dhamaatay waji qurux badan iyo isfahan ka dhaxeeya madaxda Soomaaliyeed iyo Shacabkaba reer Oslo.
Casho sharaf lagusoo dhaweynayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud.Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Cabdisamad ayaa waxaa ku wehliyey Generaal Gaafow oo u xilsaaran arimaha soo golootiga (Imigareeshanka), Wafdigan ayaa ku sugnaa magaalada Oslo sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey. Casho sharaftan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka loo yaqaano G10 ee ka jira wadanka Norway, Cashadan ayaa waxaa looga gol lahaa sidii uu warbixin usiin lahaa odoyaasha, aqoonyahanada iyo wax garadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norway.
Wasiirka A.Gudaha C/samad ayaa warbixin dheer ka siiyay dadkii kasoo qeyb galay Casho sharafta, waxaana uu ku dheeraaday warbixinta ku salaysan heshiiska u socda Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, waxaana uu ku sheegay in ay cajiib la noqotay Wadama badan oo ka mid yihiin dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya in wadahadal dhex mari karo Soomaalida dhexdeeda ayagoon lagu dhex jirin, waxuuna raaciyay in uu rajaynaayo in miro fiican ka dhalan doonaan haduu Alla idmo.
General Gaafow ayaa sidoo kale ka hadlay goobta waxuuna carabka ku dhiftay mar su’aal laga weydiiyay caqabadaha hor taagan shirkada diyaaradaha Turkiga ee ka heesata Eelaboorka Aadan cadde, waxuuna kusoo jawaabay in ay cilad isfahan waa iyo mid farsamo ay jirtay, laakiin hadda la xaliyey oo aysan dhici doonin mar dambe haduu Alla idmo.
Dadka kasoo qeybgalay Casho sharafta ayaa ka muuqdey wajiyadooda farxad iyo rayn rayn maadaama lagu sheegay Magaalada Muqdisho ay dib u soo ceshaneyso sharafteedii hore iyo horumarkeeda oo dar dar kusocda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo, waxay qeyb qeyb ula kulmayeen wafdigan ayagoo talooyin iyo fikrado is dhaafsanayeen.
Ugu dambeyntii Casho sharaftan ayaa ku dhamaatay waji qurux badan iyo isfahan ka dhaxeeya madaxda Soomaaliyeed iyo Shacabkaba reer Oslo.
Soo saare: Cali Waddani
Sawir Qaade: Cali Waddani
Habaynta: Deeq
Filim Qaade:- Cali waddani
www.nuxur.com
email:- webmaster@nuxur.com