|

Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Oslo.

Waxaa maanta si heersare loogusoo dhaweeyay Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay oo ka mid ah ragii ugu dambeeyay ee ka tirsanaa xisbiga xornimada usoo hoyay  dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee SYL.

Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay ayaa ah nin ay da’da kadaba timid, laakiin  markuu kula sheekeesto ayaad  moodaa in uu weli dhalinyaro yahay.

Xisbiga Tayo   faraciisa  Norway ayaa  ku casuumay Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay magaalada Oslo ee dalka Norway, Madaxda Xisbiga  Tayo  qeybtiisa Norway ayaa sheegay in  ay  fiican tahay in wax badan  laga barto  Halgamayaasha  wadanka.

Ugu dambeyntii waxaa la rajaynayaa in  Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay uu  la qaadan doono    xuska maalinta  xornimada  Soomaaliya oo sanadkan ku beegan 52 guuradii  kasoo wareegtay xornimada.

Kala soco  waxii warar  ee kusoo kordha arintan. www.nuxur.cm
Soo saare: Cali Waddani
Sawir Qaade: Cali Waddani
Habaynta: Deeq
Filim Qaade:- Cali waddani
www.nuxur.com
email:- webmaster@nuxur.com


Tags:

1 Response for “Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Oslo.”

  1. Cabdiqaadir Cali Boolaay waxaan Illaahay kaaga baryayaa Cimri Dheer,Caafiyaad in uu ku siiyo,Aamiin.Aniga ahaan Cabdishakuur Cali Sarxaan waxaan aqaaney Cali Boolaay 1972 kii markaas oo uu ahaa Mas’uulkii ugu sareeyey Wargeyskii La oran jiray Xiddigta Oktoobar ee ku soo bixi jiray Af keenii Hooyo ee Af Soomaaliga,Carabi iyo Ingiriisna lagu soo qori jiray.Cali Boolaay waxa uu ahaa Ahlo Diin,waliba waxa uu ahaa Muumin ay dadka oo dhan ay jeclaayeen Xataa Shaqaalaha Madbacadda Qaranka markaas waxaa joogay,Maxamuud Xasan Odawaa oo ahaa nin Muumin ah Illaahay ha unaxariisto,Axmed Idiris,Cabdisamad,Cabdisalaan,Saciid Faarax,Baacakaaba,Maxamed Cali Muumin,Cabdisataar,Shukri,Xaliimo Jookoole,iyo Wallaashey Luul Cali Sarxaan oo qori jirtay Bogga Haweenka Soomaaliyeed intaas oo aanu Saaxiib aheyn waligay amaan iyo Jeceel maa hane wax kale kama maqli jirin.taas ayaana daliil u’ah Cali Boolaay in uu ahaa Muumin Khaalis ah.Waxaa Xilka Qabtay Axmadey,waxaa ku xigay Odawaa,kadibna waxaa loo dhiibay hogaanka Wargeyska Axmed Idiris oo ahaa Mutacalim heersare ahaa intaas ay isku soo badaleen Xilkii uu heen jiray Mukhlis Muumin Cali Boolaay waxaa la mid ahaa Odawaa oo isa ahaa Qof Wadaad ah.Cali Boolaay iyo Axmadey labaduba waxaan ku arkay Toronto inkastoo Cali Boolaay aan maanka ku hayey in aan la kulmo ayaan illaa hadda Illaahay ii qadarin in aan markale la kulmo,ee Eebbe waxaan ka baryayaa in aan Cali Boolaay nakulan siiyo.Aamiin.Waxaan idin leeyahay Madaxda Xisbiga Tayo ee Norway sida aad uxasuusateen Halgamaaga Ruugcadaaga ah ee Cali Boolaay in aad adinkana halgankiina meesha ka sii wadaan oo wax qabadkiina uu noqdo mid Bari la idinku tilmaamo halgamiyaashii Tayo.

Leave a Reply

*