|

Ganacsade Cabdi xoosh ashkir oo sheegay in hantidii uu Muqdisho ku lagaa la dhacay..

Ganacsade cabdi xoosh ashkir oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa bogan uga warbixiyay xaalada uu sheegay in hantidii uu ku lahaa magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda ay haystaan dad gaar ah oo uu ku sheegay in ay yihiin Madaxdii USC.

Waxaan ka xusi karnaa dadka hantidayda haysta Jeneraal Caare, Jeneraal Guuleed oo ahaa maareyihii Guud ee Somali airlines, cali xaashi dhoore safiirkii hore ee Talnaaiga u joogay milaano.

“ waxaan dhihi karaa shaqsiyaadkaas waxay ahaayeen madaxdii USC, waxaana hantidaas lagu dhacay magaalada Muqdisho, waxayna u gacan gashay markii aniga aan ka cararay magaalada Muqdisho, taas oo Nabadgalyadayda dhibaato ku ahayd”ayuu yiri Ganacsade cabdi Xoosh.

“ waxay ku andacoodaan in ay iibsadeen Guryahaas, waxaana leeyahay waa waxba kama jiraan ee waa dhac, Dukumetigi ay haystaana waxaa siiyay Guryahana tusay, Nootaayada diirshe, oo ku taalay xamarweyne, diirshe oo ii hayay dukumentiga guryahayga ayagana ay is xigaan, laakiin wali waxaan haysta Dukumentiyadaydii qaar ayaan haystaa”ayuu markale yiri ganacsade Xoosh.

“ Guryahayga waxay ku yaalaan inta u dhaxaysa KM4 iyo ilaa isbitaalka digfeer, waana 12 Guri, wax aan iibiyay ama baahi aan u iibiyo Guryahayga ma haysan Xiligaas, marka qof wax iibinayo waa in uu haystaa wax uu iibinayo ama fursad amaan”ayuu markale ganacsade xoosh.

“ marka ma dal wax lagu kala iibsado ayaa xiligaas jiray, mase maxkamad iyo Nooyaayo sharci ah oo wax iibisa ayaa jirtay, mase anaa haystay oo ku wareejinaya, Nin naftiisa la cararay ayaan ahaa”ayuu markale yiri Ganacsade xoosh.

“ dhaqankii Soomaaliya ayaa Noolaa laakiin hada waxaad moodaa in uu sii Bur burayo, marka aan ka hadlo hantidauda gaarka ah, waxaa ku Noolaa oo ka shaqayn jiray shirkadaheyga ilaa 5 kun oo qofood oo Somali ah”ayuu yiri Cabdi Xoosh.

“ Waxaas markay Gacantayda ka Baxday waxaa qabsaday dad gaar ah, waxaana dhihi karaa hantidayda Waxaan waayay Markay dagaalada xamar ka dhaceen, ”ayuu markale yiri Xoosh.

dalka Mar ay Noqoto mar ayuu Noqonayaa dal Dowlad leh, hadii aniga aan dhinto ilmahayga oo Aqoon Leh ayaan jooga oo kor u dhaafaya 30, ayaga ayaana hantidaas iska leh”ayuu markale yiri Xoosh.

“ Waxaan ku talinayaa Somali, in mar labad aan dhuxul danbas Huwan laga dhigin, oo Somali si dhab ah wax looga qabto, maxkamad ma leh Ciidan loo Dacwoodo ma leh, marka Waxaa ka jira shariif soo kuday wax uu samaystay”ayuu markale yiri Ganacsade cabdi xoosh.

“ aniga Hantida la sheegay in aan leeyahay ee xaafada Booli Qaran, ma Lihi, Marka waxaan oran karaa shariifka arintaas waxa uu ula jeedaa ii dheh, marka hantidaas Booli Qaran ama Xaafadaas waxba kuma lihi, Marka shariif ayaa Raba in uu ii dheh ku samaysto, si uu markale Xilka ugu soo laabto”ayuu markale yiri Ganacsade Xoosh.

“ Marka uu leeyahay hanti ayaan Celiyay ma sharci ayuu hayaa, Ma Maxkamad ayuu haya ma Ciidan ayuu hayaa, marka aniga waxaanba leeyahay waxaas oo dhan asaga ayaa mas’uul ka ah, 8 Kun caruurta ee uu Geeyay shariifka, Mood Moode oo Itobiya ay laysay ayaaba laga rabaa”ayuu yiri ganacsade cabdi xoosh.

“ aniga markaa aan Muqdisho tago waxaan magan lagaa xafiiska IGAS iyo safaarada Itobiya, marka si aysan kuwa dadka Bastooladaha ku dila ee uu shariifka sameeyay dhibaato iigu gaysan”ayuu markale yiri Ganacsade Xoosh.

Sidoo kale Ganacsade Xoosh ayaa sheegay in dadka hantida ka haysta uu la Xiriiray oo uu isku dayay in odayaal uu u wakiisho balse lagu guul dareestay.

www.Nuxur.com
cabdixakiin441@hotmail.com
cabdixakiin@nuxur.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

1 Response for “Ganacsade Cabdi xoosh ashkir oo sheegay in hantidii uu Muqdisho ku lagaa la dhacay..”

  1. daacad says:

    xooshoow hilmaan dhawidaa maanta soo adiga maahan ninka xamar joogo oo ardaydii iyo dhalinyarada xaflada dhiganeysay ee hotel city palace ku lahaa qabiilka ka fogaada ma hilmaantay in media markaad qabiilada ka caayeyso in hadalkaada uu dib kugu soo noqonaayo lakin hadaad caqli leedahay adiga ayaa isla yaabey sida caruurtaas iyo ardeydaas ay kugu sacbinayeen ayagoo ogeen inaad qabiiliiste weynaaday tahay lakin daacadnimadooda iyo qalbi nadiifkooda markaad aragtay i hope inaad aragto umada aad mar walba caayi jirtay u gafi jirtay iney xumaan iyo cuqdad aysan kuu qabin. teeda kale hantida aad sheeganeyso waa hantidii aad xoog ku qaadatay markii uu adeerkaada gurbaanka gacantiisa ku jiray ee generaaladii sida xaqdarada ah loo dilay laga qaaday xisaabtan u diyaar garoow waa haatan iyo dan

Leave a Reply

*