Sida looga xusay 1da Luulyo magaalada Oslo.(DAAWO)..
Xafladda Xuska maalinta 1da Luulyo oo si heer sare uga dhacday magaalada Oslo ee dalka Norway, Xafladan ayaa waxaa lagu dhigay sanadkaan barxadda Sofienberg Parken, ee Magaalada Oslo.
Xafladan ayaa waxaa isugu yimid dad badan oo ka kala yimid Gobolada Dalka Norway iyo wadamada deriska la’ah, wallow ay jiraan dad kusoo aadistay fasaxooda in ay la qeybsadaan farxada walaalahooda Soomaaliyeed.
Xafladan ayaa inta badan waxay dadka ku baraan caruurtooda waqtigan qiimaha badan ee Xornimda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo midowgii Gobolada Koofurta iyo Waqooyiga.
Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay sanadkan Wasiirka Arimaha Gudaha Mr Cabdisamad iyo Jeneraal Gaafow kuwaasoo ku joogay maalmahaan magaalada Oslo hawl shaqo ama shirar ay la lahaayeen Wasaarada Dibadda iyo Qeybta Qaxootiga.
Waa markii ugu horeeysay oo qof ka tirsanaa Xisbigii SYL uu kasoo qeyb galo Xaflada 1da Luulyo oo alaaba sanadkasta ka dhacda magaalada Oslo,Halgamaa Cabduqaadir Cali Boolaay ayaa ka qudbeeyay goobta xaflada kuna baraarujiyey in dadka ay midoobaan oo ay isku muujiyaan walaaltinimadii lanagu jiqiinay, Waxaa sidoo kale uu la dardaarmay dhalinyarada oo ah cududa ugu weyn ee bulsho ku hormarto.
Waxaa diyaariyay :-
Madaxa wararka Yurub
Cali waddani
Email:- webmaster@nuxur.com
www.nuxur.com














































