SIR CULUS:-Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gaafow oo heshiis qarsoon la galay dawladda Norway.

Madaxda Dawladda Soomaaliya oo heshiis dadka Soomaalida lagu celinaayey la galay dawladda Norway, Heshiiskan ayaa si qarsoodi ku socday usbuucii lasoo dhaafay.
Madaxda Soomaaliya ayaan mar aan wax ka weydiinay sababaha ay u imaadeen ? ayaa waxaa ay noo sheegeen in ay u joogaan sababo kala duwan, oo ayna ku jirta arimaha qaxootiga sidaan horeyba idinkugu sheegnay, laakiin wax macluumaad dheer maysan ka bixin.
Hadda ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in heshiiska qarsoon uu ku saabsanaa dibu celinta dadka Soomaliyeed ee qaxootiga , kuwaasoo ka yimid magaalada Muqdisho iyo koofurta gabi ahaanba, waxaana lagu sheegay dadka sharciga loo diido in lagu celin doono Soomaaliya.
Qaabkan heshiiska ah ayaa waxaa uu yahay sida heshiiskii ay dawladda Norway ay la gashay Itoobiya oo ay ugu deeqday lacag badan maamulka ka jira si uu ogolaado in dadkooda dib loogu celiyo.
Macaawina kubadalasho qaxooti.
Dawladda Norway ayaa maalmahan ku ilbaxday arintan, waxayna heshiis kula gashay wasiirka arimaha gudaha iyo Jeneraal Gaafow in ay saxiixaan in dadka qaxootiga dib loogu celiyo dalka Soomaaliya si ay ayaga u helaan dhaqaale ama caawin halka hadda dawladda Norway ku bixiso dhaqaalahaas dadka magangalyo doonka ah.
Saxaafada Norweejiga ayaa ogeyd arinta, laakiin loo sheegay in aysan warbixintaan bixin ilaa madaxda Soomaaliya ay ka baxaan wadanka Norway, halka kuwa Soomaalida looba diiday in warbixin laga siiyo heshiiska, sida uu u dhacay iyo waxyaabaha lagu heshiiyay.
Si kastaba ha noqotee Muqdisho ma nabad baa ?
Muqdisho waxay Dawladda Soomaaliya ku guuleesatay in ay ka saarto Alshabaab, taasoo kusoo dabaashay in ay Ciidamada Dawladda iyo Kuwa Ajaanibka ah gacanta ku dhigaan wadanka intiisa badan, laakiin dilalka iyo asasiinada iyo isqarxinta weli wey socotaa , maalin kasta waxaa lagu dilaa dad rayid ah magaalada Muqdisho, maalinntii shalay ayay ahayd markii lagu arkay 2 gabdhood oo lasoo faraxumeeyay kadibna madaxa laga soo toogtay, lagunasoo tuuray meydkooda magaalada Muqdisho.
Dagaal weyn hadda majiro, laakiin dilalka ayaa weli socda, iskaba daa intaas Hayadda Norweejiga ee ka hawlgala wadanka gudahiisa iyo wadamada deriska, ayaa sadex maaliin ka hor looga afduubtay ilaa afar qofood xerada dhadhaab ee ku taala xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaan isku daynay in aan la xiriirno wasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga qaranka Cabdisamad iyo Jeneraal Gaafow, laakiin way noo suuroobi weyday in aan ku helno taleefanka.
Halkan ka aqriso warka oo AFNOORWEEJI KU QORAN:-http://www.vg.no/nyheter/utenriks/artikkel.php?artid=10058504
HADII AAD WAX KA OGTAHAYA ARINTAN NALA SOO XIRIIR:-
webmaster@nuxur.om
Kala soco waxii kusoo kordha arinta.
WWW.NUXUR.COM