Xisbiga Tayo oo xarun ka furtay magaalada Oslo ee dalka Norway…
Xisbiga Tayo ayaa dhowaan ka furtay xarun ama xafiis magaalada Oslo ee dalka Norway, xafiiskan ayaa ah mid farac ka ah xarumaha waa weyn oo uu xisbiga ku leeyahay Wadamada Yurub.
Furitaanka xafiiska xisbiga Tayo qeybtiisa Norway ayaa lagu soo dhaweeyay Halgamaaga sida weyn loo yaqaano kaasoo ka tirsanaay SYL Cabduqaadir Cali Boolaay, furitaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu beegay maalinta 1da
Luulyo maadaama ay tahay maalin si weyn ugu weyn bulshada Soomaaliyeed.
Boolaay ayaa xafladii furtitaanka ka hadlay oona sheegay in uu soo dhaweynayo xisbigan xaruntiisa Norway, waxaana uu kula dardaarmay in a shacabka Soomaaliyeed ku daydaan wanaagii SYL iyo talooyinkii ad adkaa ay qaateen xiligii gumeesiga .
Ugu dambeyntii ayaa waxaa ka hadlay raga madaxda ka ah Xisbiga Tayo faraciisa Norway, ayagoo ku tilmaamay talaabo fiican in ay bilaabeen ayna sii wada doonaan sidii ay dadka Soomaaliyeed u mideyn lahaayeen.
Siid Cali Cusmaan (Cali Waddani)
email:- webmaster@nuxur.com
www.nuxur.com








