|

Cabdi samad ” anaga Norway Markaan Tagaynay dadka Somalida ah oo aan u tagnay si cad ayaan ugu sharaxnay, dad la soo Celinayo in aan taageerno nagama suurtowdo, marka inta dadkaas la soo celsho haday shabaab dilaan anaga mas’uuliyadas ma qaadi karno.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Dowladda KMG Soomaaliya C/Samad Macallim Maxamuud sheikh Xasan ayaa waxa uu Bogan Nuxur.com uga waramay Safar uu ku tagay dalka Norway, iyo Warar maalmihii la soo dhaafay ay Qoreen Wargaysyada ka soo baxa dalka Norway oo sheegaya in wasiirka arimaha gudaha iyo Madaxa laanta Socdaalka Soomaaliya Jeneral Gaafow ay si Qarsoodi ah Dowlada Norway kula heshiiyeen in Somalida halkaas joogta lagu soo Celin karo Soomaaliya.

Wasiir C/samad ayaa arintaas ku tilmaamay wax lagu qoslo, waxa uuna sheegay in arintaas dowlada Norway aysan isku soo qaadin, waxa uuna sheegay in uu si fiican u yaqaano qurba joogta Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in asaga uu ka yimid Qurbaha, taasina aysan macquul ku ahayn in uu arintaas ku dhaqaaqo maadaama uu qurbaha wax ka yaqaano.

Waxa uu ka dhawaajiyay wasiir C/samad in Dowladihii hore qoraalo ay sameeyeen oo ku aadan in Somalida Qurbaha joogto dib loo soo Celiyo ay kansaleen

“ sida aad ogtahay in amniga Muqdisho la sugo ayaa la wadaa, dad la soo qab qabtay ayaa jira oo baaritaano ku socda, barnaamijka wadooyinka la Xirano ma ahan meelaha ama wadooyin waawayn la xiro, waxaa la xiraa wadooyinka iyo Goobah shirka uu ka socdo la Xiro, si amaanka loo sugo”ayuu yiri wasiirka C/samad.

“ shaki kuma jiro in dadka ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan dastuurka, Dastuurka ma ahan aayad Quraan ah oo illaah soo dajiyay, dad ayaa dajiyay oo qoray qaladaad haduu soo galo waala saxayaa, dadka shaqada u saran in loo daayo oo lagu aamino, Waxaad ogtahay in 825 la soo xulo oo la soo doorto, hadii loo ogolaado wixii qaldan sixi kara, marka hadii loo daayo way sixi karaan, odayaasha dhaqanka waqtiga u haray waa wax ka yar 40-cisho, ayaan filaa, Wixii qalad ku jira ayaga ayaa xalin doono”ayuu yiri markale wasiir C/samad.

“ sida Run ahaantii ah anaga waan ka hadalnay arinta Norway, anaga markaan tagaynay Oslo, dadka Somalida ah oo aan u tagnay si Fiican ayaan ugu sharaxnay, busishin aan joogno oo dad la soo Celiyo aan taageeri karno ma jirto, Dowlado naga horeeyay warqado ay qoreen ayaan kansalnay, Dowlada Norway arintaas waan u sheegnay in aysan macquul ahayn, marka inta Muqdisho la Keeno shabaab ku dilaan, Cid mas’uuliyadeeda qaadi kartaa ma jirto”ayuu yiri wasiir c/samad oo iska fogeeyay Warar ay qorayeen qaar ka mid ah wargaysyada ka soo baxa Norway oo hadal haynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway ay la yaabeen.

“ waxaan kala hadlnay Dowlada Norway dhibaato haysata jaaliyada Somaliyed halkaas joogt,kalama hadlin in dad la soo Celiyo Dowlada Norway, waxaan kala hadalnay dhibaato dad sharciga aan la siinin oo Somalinimadooda shaki la galiyay, iyo gabdho laga qaadanayo caruurtii, kuwa Somalida in ay noo siiyaan sidii sharciga loo siin lahaa Somalida halkaas joogto, ama ay fursad noo siiyaan sidii aan ugula shaqayn lahayn Somalida halkaas Joogta sidii aan u ogaan lahayn xaaladooda”ayuu markale Yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad oo Bogan Nuxur.com uga Waramayay safar uu ku tagay Norway.

“ Norway mashruucyo kala Duwan ayay Naga caabisa, wax hada miiska la keenay ma jirto oo arintaas aan uga hadalnay, waqti aan arintaas uga hadalno maba haysan oo waxaan joognay 72 saac wax la mid ah, rintaas arin raad leh ma ahan, wax Dukumenti ah oo meeshaas yaalay ma jiraan, arintaasna waa been abuur ah”ayuu markale Yiri.

“ shacabka Somalida ee Norway jooga waxaan u sheegayaa arintaas waa been abuur, Dowlada Norway waxaan u sheegay in arintaas ay ka jawaabaan, waxaana la ii sheegay in ay Fasax ku maqanyihiin hada, shacabka Norwayna waan u sheegay, aniga Naftirkayga ayaa qurbaha ka imid waan aqaana dhibaatada qurbaha yaal”ayuu yiri wasiir C/samad.

“ Waxaa lagu joogaa Muqdisho dadaal hay;adaha amaanka way shaqeeyaan, Dilalka iyo Qaraxyada way yareeyaan. Sheeko kuma imaan hay’adaha amaanka dadaal ayay ku yimaadeen, hadii amniga suganyahay wax walba waala helaa, Wadada maka al-mukarama ma xirin saxmad ayaa jirtay, bakino baabuurta wadooyinka la dhigo ayaa jirtay, marka si arintaas loo xakameeyo oo wadada baabuurta la dhigo la daayo, macnaheedu maahan in jidka la xiro”ayuu yiri.

“ dagaalada ma is tagin way socdaa, Ciidamada waxay isticamaalaan taatiko dagaal Markii afgooye la tagay waxaa la tagay balcad, marka dagaalka ma is taagin ilaa Kismaayo iyo ilaa Hiiraan waala gaarayaa goor dhow”ayuu yiri wasiir C/samad.

“ dhalinyarada shabaab la socda waxaan ka fakirnaa Mustaqbalkooda, waxaan leeyahay wixii la idin qalday waad aragtaan. In aad imaadaan oo dalka iyo dadka aad ku soo biirtaan, cidii isku soo dhiibta Dowlada Meelo gaar ah ayaan ugu tala galnay, waana soo dhawaynaynaa”ayuu markale yiri C/samad.

Riix halkaan si aad u dhagaysati Codka Wasiirka. Dhageyso

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiir arimaha gudaha c/samad in ay hanan karaan maalmaha soo socda amaanka magaalada Muqdisho, Xili la galayo Ramadaan iyoi maalmo xasaasi ah oo dalka doorasho ka dhacayso, waxa uuna sheegay in ay xakamayn karaan Qaraxyo iyo dilal ka dhaca Muqdisho.

waxaa waraystay Cabdixakiin Cilmi Xasan
www.Nuxur.com
Cabdixakiin@nuxur.com
Cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*