|

Murashaxa madaxweyne ee Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) kulan la qaatay ururrada blushada rayidka ah iyo dhallinyarada Soomaaliyeed

.

Kulankan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxay bulshada rayidka iyo dhallinyaradu su’aalo ku weydiiyeen Dr. C/raxmaan Baadiyoow waxayna su’aalahan intooda badan ku qotomeen waxyaabaha uu qaban doono haddii uu ku guuleysto xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

“Dowladda aan hoggaamiyaha u noqon doono, waxay noqon doontaa mid bulshada u damqata, dadka dhibka u nugul sida: carruurta, haweenka iyo agoontana caawisa,” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow. “Sidoo waxay noqon doontaa dowlad ixtiraamta dhaqanka iyo suugaanta ummaddaSoomaaliyeeed.”

Bulshadii kulanka ka qaybgashay ee su’aalaha weydiinayay murashaxa ayaa waxay isugu jireen, rag iyo dumar, waxayna intooda badan diiradda saarayeen sida dalka lagu gaarsiin karo horumar iyo ammaan buuxa.

“Dhaqaalaha dalka waa inay u sinnaadaan murashaxiinta, sidoo kalena waa in loo sinnaado idaacadda iyo telefishinka dowladda si murashaxiintu uga jeediyaan ololahooda doorashada, waxaana ka digayaa inay noqdaan kuwo cid u gaar ah,” ayuu yiri Dr.
C/raxmaaan Baadiyoow oo ka jawaabayay su’aalo ku aaddan sida uu u arko in dhaqaalaha dalka iyo warbaahinta ay gacanta ku hayaan madaxda dalka qaarkood oo murashaxiin ah.

Dhinaca kale, mar la weydiiyay waxyaabaha uga qorsheysan ammaanka dalka ayuu sheegay inuu ka mid ahaa ciidamadii dalka muddo 16-sano ah kuna gaaray darajada Gaashaalle sare oo dhinaca ciidamada cirka ah, aqoon fiicanna uu u leeyahay sida looga shaqeeyo ammaanka dalkeenna oo kale.

“Saraakiil badan oo Soomaaliyeed ayaa ila soo xiriiray markii ay maqleen inaan u taaganahay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, waxayna iigu bishaareeyeen inay gacan iga siin doonaan dhismaha ciidamada iyo sugidda ammaanka guud ee dalka,” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow.

www.Nuxur.com
cabdixakiin@nuxur.com
cabdixakiin441@hotmail.com


Leave a Reply

*