|

Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo loo saadaalinayo in uu ku Guulaysto Doorshada, Qurba joogta, Ururada Bulshada iyo dadka soomaaliyeed oo hadal haya, warbixin, Sawiro


Musharax Xidhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ahaana Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali sharmaarke, kana mid ah musharixiinta Xiligan u taagan Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya, ahna kuwa ugu cad cad, ayaa waxaan maqaalkan ku soo qaadanaynaa warbixin ku aadan, siyaasadiisa Aqoontiisa taageerada bulshada uu ka haysto.

Siyaasigan C/raxmaan C/shakuur waxa uu ka midyahay aqoonyahanada Soomaaliyeed, waxa uu wax ku soo bartay Dalka ingiriiska, waxaana si wayn loogu Xusuustaa in uu ahaa Hogaamiyihihiin isbahaysiga asmara garabka uu Hogaamin Jiray Madaxweynaha haatan Xilka haya sheikh shariif.

C/raxmaan c/shakuur ayaa waxa uu ahaa saxiixihii heshiiskii ay ku Midoobeen garabkii uu Hogaaminayay sheikh shariif ee Xiligas ku sugnaa asmara iyo Xukuumadii C/laahi Yusuf, taas oo markii danbe keentay in la midoobaan Xukuumadii C/llahi Yusuf,

Waxa uuna sannadii 2007-dii isbahaysigii dib u xoraynta soomaaliya ka qabtay Madaxa Xiriirka Caalamiga iyo iskaashiga.

C/raxmaan c/shakuur Warsame waxaa uu in muda ah ku noola dalka sudan halkaasi oo muda ah ku sugnaa, waxa uuna waxbarashadiisa Jaamacadeed inta badan ku soo qaatay Sudan, sida la sheego, waxa uuna markii danbe u guuray ingiriiska, wuxuuna C/raxmaan C/shakuur ahaa madaxii wada hadalada u qaabilsanaa dhankii isbahaysiga dib u xoraynta garabkii Jabuuti, waana shakhsigii qalinka ku duugay heshiiskii xisbigii (A R S) iyo dowladdii xaligaas dhexmaray.

Musharaxa Madaxwaynanimada Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur waxa uu ahaa Madaxdii iyo gacantii Midig ee Madaxweyne shariif, Waxa uu Wasiir ka soo Noqday Xukuumadii Cumar C/rashiid, waxa uuna Xiligaas ahaa ama uu ka mid ahaa wasiiradii fara ku Tiriska ahaa ee Xiligaas ka shaqeeyay Xukuumadii Cumar C/rashiid.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ka sokow Wasiirka qorshaynta Qaranka Waxa uu Noqday Wakiilka jaamacada Carabta Xilkaas oo ah Xil Meerto ah, waxa uuna Xilkaas hayay mudo kooban.

C/raxmaan c/shakuur Warsame ayaa Xilka ka Dagay sanadkii 2010-kii Markii ay shaqayn waysay Xukuumadii uu Wasiirka ka ahaa iyo khilaaf soo kala dhexgalay, Xiligaas Raisal Wasaarihii hore iyo Madaxweynaha.

Siyaasiga ahaana Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee DFKMG, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dad badan saadaalinayaan in uu ku Guulaysan karo doorashada Madaxweynanimo ee usbuucyada ka dhimanyihiin.

Sidoo kale Wuxuu Soomaaliya u metalay shirarka heer gobol iyo caalami ah oo tiro badan, waxa uuna shirarkaas ka soo hoyay guulo la taaban karo oo wax ku ool ah.

Waxa uuna musharaxa Madaxweynanimo ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame uu muddo 20 sano ah markii ugu horeysay oo ay Somaliya shir gudoomisay Golaha Wasiirada ee jaamacadda Carabta ee ka dhacay dalka masar noqday shirgudoonkii Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadeedka ee Jaamacada Carabta, halkaasoo Amiiradii iyo wasiiradii shirka ka qeyb galay ay Somaliya ugu Hambalyeeyeen ammaan fara bandanna ugu soo jeediyeen qaabkii uu shirka u hagay Mr Cabdiraxman gaar ahaan Xirafaddii iyo Diblomaasiyadda uu muujiey.

MR C/shakuur ayaa waxa uu intii uu Xilkaas hayay waxa uu nabadayn dhex dhigay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, halkaas oo ay ku amaaneen Madaxdii jaamacada carabta, kuna tilmaameen jamaal C/naasirkii Soomaaliya.

Taariikhda Nololeedka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kooban

· Abdirahman Abdishakur wuxuu ku dhashat degmeda B/burte ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1968.

· Wuxuu tacliintiisii Hoose/ Dhexe iyo sare ku qaatay isla degmadaas isagoo labo sano oo gurmadka qaranka ah ku qaatay isla degmadaas.

· Craxmaan wuxuu shahaadadiisii koowaad ee jamacadda ka qaadatay wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciyada, isagoo Shahadadii labaad Masters Degree ku sameeyey wadanka Malaysia.

· Wuxuu koorsooyin la xiriira hogaanka iyo maamulka ku sameeyey Machadka Hogaanka iyo Maamulka ee London.

· Craxmaan ka hor intii uusan ku biirin siyaasada wuxuu ka shaqeeyey arrimaha Samafalka iyo Saxaafada.

· Wuxuu kaloo ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed isagoo wax ka aasaasay ururada Somali Concern Group iyo Somalia Diaspora Conference.

· Wuxuu noqday gudoomiye ku xigeenkii Golahii Dhexe ee Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliyeed lagu dhisay magaalada asmara .

· Wuxuu kaloo garwadeen ka ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti isagoo madax u ahaa wafdigii wadahadallada u matalayey isbaheysigii dib uxoreynta Somaliya halkaasoo lagu soo dhisay dawlada kmg ah ee haatan jirta.

· Craxmaan wuxuu noqday xubin Baarlamaanka ka tirsan isagoo loo magacaabay wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DKMG.

· Wuxuu Soomaaliya u metalay shirarka heer gobol iyo caalami ah oo tiro badan, isagoo muddo 20 sano ah markii ugu horeysay oo ay Somaliya shir gudoomisay Golaha wasiirada ee jaamacadda carabta ee ka dhacay dalka masar noqday shirgudoonkii Golaha Wasiirada Arrimaha Debeda ee Jaamacada Carabta, halkaasoo Amiiradii iyo wasiiradii shirka ka qeyb galay ay Somaliya ugu Hambalyeeyeen ammaan fara bandanna ugu soo jeediyeen qaabkii uu shirka u hagay Mr Cabdiraxman gaar ahaan Xirafaddii iyo Diblomaasiyadda uu muujiey markii khilaaf xoog badani soo kala dhex galay waddamada Ciraaq iyo Suuriya ay guddi uu Mr Cabdiraxman Hogaaminayey ku guuleysteen iney khilaafkaas dhaqso u xaliyaan.

· Waxaa uu Mr cabdiraxmaan oo ah sharci yaqan ku takhasusay arrimaha dastuurka aqoon durugsan u leeyahay sharciga diinta islaamka, sharciyada caalamiga ah ( international law) iyo dhaqanka iyo taariikhda Somaliya.

· Waxaa uu si joogto ah uga faallooda halka ay mareyso xaaladda siyaasadda, amniga iyo bulshada ee Somaliya iasagoo marar badan dadka somaliyeed marar badan uga digay iney dhici karto in wadanku gumeysi dib ugu laabto haddii aan xal loo helin mushkiladda dabo dheeraatey ee Somaliya.

Waxaa uu leeyahay qoraallo fara badan oo uu ku qaadaa dhigay xal u helidda mushkiladaha Somaliya , soo if baxa xarakaadka Islaamka siyaasiga ah, cilaaqaadka Somaliya iyo Dunida inteeda kale isagoo baaritaan dheer ku sameeyey qaabka wadamadu uga soo kabataan dagaalada dabo dheeraaday sida kal dalkeenna ka dhacay oo kale.

La soco qeybta kale ee Warbixinta

Bay: Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel–+254-0711830393 ama

+254-0726510432


Tags: , , ,

Leave a Reply

*