Madaxweyne hadaad noqoneysid maka tanaasulee dhalashada Canada ? Wareysi: Dr. Baadiyow (VIDEO)
Dr Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey qorshihiisa siyaasadeed ee uu damacsan yahay haddii uu ku guuleysta doorashada, isagoo sheegay uu wax badan ka beddeli doono xaaladda dakal ee dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Baadiyow oo wareysi siiyey Bar-Kulan ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in haddii uu helo guushada doorashada madaxweynenimo uu dhisi doono hay’adaha qaranka sida kuwa ammaanka, canshuuraha iyo xoojinta nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Wareysigan ayaa wariye Cali Waddani ku weydiiyay musharaxa Dr.Baadiyow dhalashada Canada in uu ka tanaasulaayo hadii uuba madaxweyne isku sharaxaayo, maadaama sirta wadanka Soomaaliyeed lagu aamini karin qof dhalasho kale heesta ? waxuuna ku jawaabay :- KA DAAWO VIDEO GA HOOSE.
Dr. Baadiyow ayaa sidoo kale wax ka dhahay sababaha uu u yimid dalka Norway, oona kulan kula qaatay madaxda wadanka Norway u qaabilsan arimaha Dibadda.
Waxaa Diyaariyey:- Cali Waddani
Wariye :- Cali Waddani
Kaamirada:- Cabdalle
Codka & iftiinka :- Deeq & Caanaboore.