|

Liiska xildhibaanada beesha Mareexaan oo ay ka midyihiin Col, Barre Aden Shire, Gen, Ahmed Warsame Maxamed, Gen, Abdirisaq Isaaq Biixi oo dib loo Celiyay..

Sida aan ku helnay warar lagu kalsoonan karo ayaa waxaa ay sheegayaan in gudiga farsamada xulista baarlamaanka Soomaaliya ay soo celiyeen liiska xildhibaanada beesha Sade Daarood “Mareexaan” ee dhawaan la gudbiyey kadib markii laga dhex aqoonsaday magacyada rag lagu sheegay inay ka qeybqaateen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Mas’uul ka mid ah howl-wadeenada xafiiska gudiga xulista baarlamaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa inoo sheegay in muran badan uu ka dhashay liiska Beesha Sade Daarood “Mareexaan” oo ay u badnaayeen qaar ka mid ah raga siyaasada ugu cadcad ee beeshaasi ugu jiray sanadihii ugu danbeeyey, kuwaasi oo lagu sheegay inay yihiin eedeysanayaal dagaal.

Inkastoo uusan magac ahaan inoo sheegin dadka laga diiday inay ka mid noqdaan xildhibaanada cusub ee Beesha Sade Daarood “Mareexaan” uga mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya haddana waxaa uu sheegay inuu jiro loolan adeg oo ka dhex bilowday beesha dhexdeeda iyo gudiga xulista baarlamaanka.

”Waxaa jira laba qodob oo laga fiirinayo xildhibaan kasta oo magaciisa la soo gudbiyo, waxaana ay kala yihiin inuusan qofka xildhibaanka noqonaya uusan ka qeybqaadan dagaaladii sokeeye ama fal danbiyeed kale iyo inuu heysto shahaado dugsi sare, Waana labada ciladood ee hadda lagu heysto qaarka mid ah raga ku jira liiska Beelaha Mareexaan’ ayuu yiri Mas’uulkan dalbaday in aan magaciisa la shaacin.

Dhinaca kale arrintan waxaa la waddaaga beesha Sade Daarood “Mareexaan” qaar badan oo ka mid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed sida beesha Dir Jufada Biya-maal oo hadda lagu soo celiyey siyaasiyiinta caanka ah ee kala ah Abdilaahi Shiikh Ismaaciil iyo Abdirahman Xaaji Aden ” Ibi” iyo Dr, Abdicasiis Yusuf kuwaasi oo soo wada qabtay xilalka xildhibaano iyo wasiirnimada dowladaha ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ay farta ku gudan tahay ee warkooda yaalo Muqdisho kaasi oo ah inay yihiin shaqsiyaadka loo diidan yahay inay baarlamaanka ka mid noqdaan ee u dhashay beesha Sade Daarood “Mareexaan” waxaa ka mid ah:
1- Col, Barre Aden Shire
2- Gen, Ahmed Warsame Maxamed
3- Gen, Abdirisaq Isaaq Biixi
4- Maxamuud Sayid Aden
5- Abdisacdi
6- Hilowle Aden
7- Yusuf Kaanti

Waxaase la hubin in dhamaan magacyada siyaasiyiinta kor ku xusan ay ku jiraan liiska xildhibaanada Sade Daarood “Mareexaan” ee la soo diiday iyo in kale, waxaana wararka qaar sheegayaan in raga qaar aysan joogin Xamar oo aysan soo doonaan xildhibaanimada.

Barre Hiiraale ayaa warar ku dhaw-dhaw waxay sheegayaan inuusan joogin Xamar isla markaana sanadkan isku soo taagin xilka xildhibaanimada baarlamaanka xirir aan iskudaynay in aan la sameyno ayaan inoo suurtogelin.

Dad ku dhaw odayaasha dhaqanka beesha Sade Daarood “Mareexaan” ee jooga Xamar ayaa sheegaya in aan la gudbin liiska beeshan oo baryahan lagu muransanaa balse la gudbin doono maalinta barri ah, waxaase ay la yaab ku tilmaameen wararka suuqa soo galay ee ah in dib loo soo celiyey liiska xildhibanada beeshan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal ka mid ahaa horjoogayaashii dagaalada ka dhacay Soomaaliya kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya .

Cabdixakiin Cilmi Xasan
www.Nuxur.comn
cabdixakiin@nuxur.com
cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

1 Response for “Liiska xildhibaanada beesha Mareexaan oo ay ka midyihiin Col, Barre Aden Shire, Gen, Ahmed Warsame Maxamed, Gen, Abdirisaq Isaaq Biixi oo dib loo Celiyay..”

  1. mustafe says:

    anuu waxaan u arkaa MR.BAADIYOW inuu yahay nin qadarin kara ama ugu yaran mudnan siin doona xaqa umada SOMALILAND ay u leedahay inay aayahooda ka tashadaan,ta kale xagan somaliland mar walba waxa laga soo dhawaynayaa amaba ay dadku jecel yihiin nin koonfurta u dhashay(hawiye) inuu xilka madaxweynanimo qabto,sababo badan aawadood.

Leave a Reply

*