War saxaafadeed kasoo baxay shirkii uga socday Golaha Midnimada Soomaaliyeed magaalada Oslo.(SAWIRO).
Golaha Midnimada Soomaaliyeedمجلس وحدة الصوما ل
Somali Unity Council
PRESS RELEASE Date. 26.8.2012
Golaha midnimada soomalyeed ayaa maantay shir aan caadi ahayn oo sadex maamlmood socday kusoo gabagabeeyay dalka norway magaaladda oslo, shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen xubanaha golaha midnimadda soomaliyeed waxay ka wada hadleen arimo dhawr ah.Shirka oo lagu lafoguray arimaha golaha. waxaa lagu dhamaystiray dib habayn lagu sameeyay golaha halkaas oo lagu doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe Mahamed Ducaale Ciise (Wiish)iyo Xaliimo-sacdiyo Mohamed Diriye.
Waxaa kaloo goluhu aad uga dooday arimaha siyaasadeed ee dalka soomaliya.Shirkaasi oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo la isku afgartay waxaa kasoo baxay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:-Ka dib markuu arkay goluhu nidaamka qaldan ee xafiiska qaramada midoobay ee Somalia (UNPOS) ka waddo Siyaasadda somaliya ee ku dhisan (Pick and Choose)(Nidaamka kuu dooraye Qaado) waxaa uga digayaa dadka soomaliyeed in aysan ku katsoomin shirqoolada siyaasadeed, diineed iyo mida dhaqaale ee loo maleegayo dadka soomaaliyeed.
Wuxuu goluhu cadaynayaa in aysan shacabka soomaliyeed soo dooran golaha odayaasha. Magacaabida golaha baarlamaanka
soomaliyeedna ay tahay mid aan sharci ku dhisnayn oo shacabka somaliyeed uusan soo dooran. Golaha midnima soomaliyeed wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa in ay ka daayaan soomaliya faragalinta siyaasadeed iyo mida ciidan,la isku daayo shacabka soomaaliyeed si ay aayahooda uga taliyaan.
Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa joogitaanka ciidamadda shisheeye ee ku sugan bada iyo bariga soomaaliyeed, wuxuuna u arkaa goluhu u arkaa in aysan joogitaankoodu sharci ahayn. Waxaa kale oo Goluhuna ku baaqayaa in dhamaan ciidamadda shisheeye ee dalka kusugan si dag dag ah ugu baxaan gaar ahaan ciimadda Ugaandha, Buruundi, Kenya, Siraliyoon, Itoobiya iyo jabuuti.Golaha midnimadda soomaliyeed wuxuu si cad uga soo horjeedaa dhamaan xadgudubyadda shacabka soomaliyeed lagu hayo ee ay ka qayb qaadanayaan ciidamada Dawladda iyo kooxaha hubaysan. Golaha Midnimada soomaliyeed wuxuu culumadda soomaliyeed ugu baaqayaa in aysan indhaha ka qabsan xaaladda faraha kasii baxaysa ee dalka, waxaana goluhu ku boorinayaa culumo awdiinka soomaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo isku duubni, kana qayb qaataan dadaalada dhabta ah ee dib loogu raadinayo midnimaddii iyo wada jirkii shacabka soomaliyeed.
Goluhu wuxuu aaminsan yahay in soomalidu ay xaq u leedahay in ay aayaheeda ka tashato, wuxuuna ugu goluhu ugu baaqayaa umadda soomaliyeed in ay arimahooda wadahadal, tanaasul iyo is faham iyo is ixtiraam ku dhameeyaan.
Goluhu wuxuu si cad ugu soo horjedaa in badan oo ka mid ah Axdi qarameedka ku meel gaarka ha, kuwaasoo ka soo horjeeda diinta, Midnimadda iyo dhaqanka umada soomaliyeed.
Golaha midnimada soomaliyeed wuxuu si buuxda uga soo horjeedaa nidaamka quursi wax ku qaybsiga ee loo yaqaan 4.5 iyo midka federaalka ah.
Golaha midnimada soomalaliyed wuxuu umada soomaliyeed ugu baaqayaa midnimo iyo wadajir.
Golaha midnimadda soomaliyeed wuxuu u taagan yahay midnimo, sinaan, cadaalad iyo qaranimadda umada soomaliyeed, wuxuuna goluhu dhamaan umada soomaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan dhabar adayg iyo dulqaad xaaladda adag ee dalku marayo.
Wabilahi Taqfiiq.








