|

Bandhig-faneedka lagu magacaabo ‘East Africa Festival’ oo guul kusoo dhamaaday. OSLO (SAWIRO).

Oslo- Waxaa goor dhaweyd si aad qurux badan lagu soo gaba-gabeeyey badhtamaha magaaladda Oslo ee dalka Norway, gaar ahaan goobta lagu magacaabo Grønland, bandhig-faneeedkan oo loogu magac daray East Africa Festival, ayaa sanadkan ahaa mid aad uga duwanaa sanadadii hore.

Bandhig-faneedkan oo ay kasoo qeyb-galeen dadweyne aad u badan oo ka kala yimid magaaladda Oslo iyo nawaaxigeeda, saxafiyiin  iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ciyaar dhaqameedyo kala duwan, dhaanto, heeso badan oo isugu jiray wadani iyo jacayl.

Waxaana kamdi ahaa Fanaaniinta sida aadka ah loola dhacay heesahooda ee wacdaradda ka dhigay bandhig-faneedka geeska Africa sanadkan, Fanaanka weyn ee Abdi Badil, Nimco Jibaax, Abdi dheere iyo fanaanka reer Oslo ee Mahad.

Dhanka kale, waxaa iyana dhankooda hadalo ku saabsan munaasabadda maanta barxadda weyn ee caasimadda Oslo, goobta lagu magacaabo Grønland , khudbado qiimo leh kasoo jeediyey siyaasiyiin iyo wax-garadka ku dhaqan caasimadda Oslo; waxaana kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay:-

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalidda Ogadenia ee Norway, Mudane A/rahman Sheekh. Yusuf.

Xildhibaan Soomaaliyeed oo kujira golaha deegaanka Oslo, Mudane Baashe, iyo

Madax kamid ah ururuka Tayo ee dalka Norway, Mudane Abdi Tahliil (dhagaweyne).

Sidoo kale, bandhig-faneedkan  waxaa si qurux leh uga soo qeyb-galay ururka dhalinyaradda Eritrea, oo lagu marti-qaaday madasha. Bandhig-faneedka East-Africa ayaa ku soo dhamaaday guul iyo jawi aad u qurxoon.

Mohamed Ilyas.

Freelance Journalist.



Tags: , , ,

Leave a Reply

*