Puntland People’s Party oo looga dhawaaqay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Xisbi siyaasadeed oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Oslo ee dalka Norway, xisbigan ayaa loogu magac daray (PUNTLAND PEOPLE’S PARTY), Ku dhawaaqista xisbiga ayaa kusoo beegantay Xili ay Gaartay Maamul Goboleed Puntland uu 14 sano jirsadey, Xisbiga ayaa ku bahoobay dhamaan dadka degga Gobolada Puntland ee Soomaaliya.
Xaflada furitaanka Xisbiga Puntlad People’s Party ayaa ka dhacday Xarunta Maxbuub ee magaalada Oslo ee dalka Norway, Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Oslo ee khaasatan kasoo jeedo Gobolada Puntland ee Soomaaliya.
Halkan ka daawo sida ay xaflada u dhacda….






