|

Cali dheere “ Qaraxyadan waxaa Gaystay Taageerayaasha shabaab oo aad u Caraysnaa.

Afhayeenka shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii caawa ay ku la deen Wariyayaasha Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay dheere in ay lahaayeen mas’uuliyada Qaraxaan waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta shabaab.

Sidoo kale Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo u badnaa Wariyayaal, waxaana uuna ahaa kuwa is miidaamin ah, waxaana la sheegay in Qaraxii ugu horeeyay markii uu dhacay uu Qasaaraha yaraa, waxaana la sheegay in uu Qaraxa kale dhacay kadib markii Wariyayaashii ay ku Carareen goob halkaas ku taal, oo qof kale oo is Qarxiyay Kuna Xirnaa suunka Qarxa uu la galay goobtii ay ku Carareen Wariyayaasha halkaasna uu ka dhashay qasaare Badan.

Qaraxyada oo dhawaqooda laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa waxaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa Madixii Wararka Telefishinka Qaranka, C/sataar Dahir Sabriye oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Telefishinka iyo C/’raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimihii Idaacada VOD.

INaa Lillaah Wa INaa Illayhi Raajacuun.


Tags: , , ,

Leave a Reply

*