|

Xaflad lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Cusub Oslo (Daawo Sawirada)

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka norway ayaa xaflad loogu tala galay soo dhaweynta madaxweynaha cusub ee Jamhuriyada Federalka Soomaaliyeed Ku dhigay Magaalada Oslo ee dalka norway

Xafladaas oo ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan iyo marti sharaf kale oo eey ka mid ahaayeen wasiiro ka tirsan dalka Norway,

Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa qadka soo galay Madaxweynaha Soomaliya Mudane Hassan sheikh Mohamud oo dadweynaha kala hadlay qadka telefanka,

Madaxweynaha ayaa aad u mahad celiyey dadweynaha kas oo qeyb galay iyo ka soo shaqeysay xafladaas ayaa sidoo kale la hadlay wasiir ka Minister Internation Development (Wasiirka Horumarinta Caalamiga)Mr Heikki Holmås,

Sidoo kale waxaa hadlkaasi ka hadlay dad isugu jira marti sharaf iyo qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka iyo siyaasiyinta jaaliyada somaliyeed Sidoo kale waxaa hadlkaasi heeso wadani ah aad u macaan ka qaaday fanaanka bashiir ali hussein,

Ugu danbeyntii Luul Hassan Kulmiye oo ka mid ah qaban qaabiyaashii shirka ayaa aad ugu mahad celisay dadkii ka soo qeyb galay iyo intii gacanta ka geeysatay sida ZAMZAM Foundation

Ali Wadani
Oslo Norway







Tags:

nuxur nuxur

Leave a Reply

*