|

Madaxweyne Xasan sheikh oo diiday in uu u Magacabo Raisal Wasaare shaqsi ka soo jeeda Puntland iyo farole oo furka tuurtay, Xog Hoose…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh ayaa Gaashaanka u daruuray talo soo jeedin uu sameeyay Wakiilka Q.midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, taasi oo ahayd in uu u magacaabo Raisal Wasaaraha Soomaaliya shaqsi ka soo jeeda Puntland.

Xasan sheikh ayaa ku adkaystay in uu magacaabo shaqsi ka soo jeeda Degmada C/waaq, waxaana arintaas ay haraysay in uu dib u dhaco ku dhawaaaqistii Raisal Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa u sheegay Bogan in faroole uu aad uga carooday arintaas laguna wado in saacadaha soo socda uu saxaafada la hadlo.

Faroole ayaa marar badan sheegay in hadii uusan soo Bixin shaqsi ka soo jeeda Puntland in uu ka baxayo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa caro ka sii qaadaya marka uu madaxweyne xasan sheikh ku dhawaaqo shaqsi ka soo jeeda Beesha Mareexaan taasi oo keeni karta in faroole uu weerar afka ah ku qaado Madaxweyne Xasan sheikh.

Kulamo gaar gaar ah oo uu Madaxweynaha la qaatay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayuu kaga dalbaday inay ka war sugaan isaga shaqsiga uu u xulan doono Ra’iisul Wasaaraha, isagoo u balan qaaday inuu soo magacaabi doono shaqsi karti iyo aqoon leh.

Faroole ayaa ah siyaasi aan la ganban Rayiga Beesha Majeerteen ay ka qabto Xilkaas, asaga oo lagu tilmaamo siyaasi Nacayb badan u abuuray dadka Reer Puntland maadaama uu yahay shaqsi hadalka aan la ganban.

Madaxweynaha Puntland ayaa u soo diray Muqdisho maalmo ka hor siyaasi ka soo Jeeda Puntland, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Wasiirka koowaad Madaxweyne Xasan sheikh, faroole ayaa lagu xasuustaa erayo ay ka midyihiin Mindi gadaal nalooga hayay ayaa ka baxday meesha oo uu ula jeeday farmaajo oo Mareexaan ahaa ayaa ka cabsi qabnay markii Xilka laga qaaday.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
www.Nuxur.com
cabdixakiin@nuxur.com
cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

1 Response for “Madaxweyne Xasan sheikh oo diiday in uu u Magacabo Raisal Wasaare shaqsi ka soo jeeda Puntland iyo farole oo furka tuurtay, Xog Hoose…”

  1. Sayax says:

    Wa been waxad qoreysid Puntland Miisan weyn ayay ku ledahey somalia Merexan Sade Darod Majertena Wa darod walalo iskuma diri kartan

Leave a Reply

*