|

Maqaayadda The Village Maxay Eersatay oo loo Qarxinayaa?

loolanka dagaalka Somaaliya ayaa soo maray marxalada kala duwan wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee General Max’med Siyaad Barre madaxda ka ahaa.

Dagaal beeleedyadii Somaaliya iyo isdilka dagaal Oogayaasha ayaa caadi ka ahaa Somaaliya welina way dhici karaan dagaaladaasi maadaama aan laga guurin marxaladda colaadda dalka.

Wixii ka dambeeyay soo ifbixii maxaakimta islaamka Somaaliya waxaa dalka ka bilaawday dagaallo weji cusub leh oo Somaalidu dalkooda ku aqoonin balse caalamka intiisa kale ka dhacayay.

Waxaa bilaabatay in mabda’ iyo diin laysku dilo xoogaga islaamiyiinta ayaa dagaal oogayaashii Muqdisho kula dagaalamay Argagaxisa ladirirkii ay uga dhawaaqeen degmada Dayniile shacabka Muqdisho badankiisa waa ku taageeray dagaalkaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa Muqdisho iyo Somaaliya inteeda badan qabsaday dagaalkaasi ayaana sii huriyay dhibaatadii Somaaliya kajirtay illaa ay marxaladu gaarto in laysku qarxiyo siyaasiyiinta iyo ciidamada shisheeye.

Yaa la qarxiyaa.

Intabadan qaraxyada waxaa gaysta Xarakada Al Shabaab waxayna qarxisaa meelaha ay ku suganyihiin saraakiisha Dowladda Federaalka ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan sida AMISOM iyo Itoobiya.

Qaraxyadu waxay ka dhacaan waddooyinka oo miino loo geliyo gaadiidka ciidanka iyo madaxda isticmaalaan sidoo kale qaraxyadu waxay ka gaystaan isgoysyada iyo meelaha dadku ku badanyihiin.

Meelaha kale ee Shabaab cadawgeeda ku beegsato waxaa kamid ah munaasabadaha gaar ahaan xafladaha oo dhowr mar qaraxyo ka dhaceen sida qaraxii Hotel Shaamow waloow aysan Al Shabaab sheegan hadane waa lagu eedeeyaa.

Maqaayadda The Village Maxay Eersatay.

Waxbadan kama ogi waxay qabato maqaayaddan oo aan ka aheyn inta aan warbaahinta ka maqlay oo ah in uu leeyahay Nin Somaali qurba joog ah gaar ahaan ka yimid wadanka Ingiriiska.

Maqaayadda oo laga cuno cuntada reer galbeedka waxaa usoo wacays doonta saraakiisha dowladda qeybahooda kala duwan iyo dadka qurba joogta ah ee xilka usoo raadsaday dowladda iyo kuwa shacab ah oo iskood dalka dib ugusoo laabtay.

21,September,2012 ayay qaraxyo is xig-xiga ka dhaceen xarunta koobaad ee The Village ku leedahay guriga Hooyooyinka degmada Xamarweyne waxaa halkaas ku baxay dad ka abdan 40 qof badankood waxay ahaayeen saraakiil dowladda katirsan sida wariyaal dad shacab ahna way ku jireen.

Qaraxyadaasi is xig xigay cidna ma sheegan balse dowladda Federaalka iyo AMISOM waxay ku eedeeyeen Xarakada Al Shabaab.

shalay gelinkii dambe mar kale ayaa la qarxiyay isla maqaayadda The Village waana dhacdo ugub ah in maqaayadaha la beegsado, shacabka Muqdisho ayaa aaminsan in maqaayadani ay tahay mid siyaasadda lug ku leh sababtoo ah maxaa loo qarxin waayay maqaayado badan oo xamar ku yaal oo ay ka cunteeyaan madaxda dowladda?.

Arrintan beegsiga Baar Village ayaa u baahan baaritaan dheer sababta ka dambeysa ma Baar dowladu leedahaybaa mise?

Xogsheeg Media

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

1 Response for “Maqaayadda The Village Maxay Eersatay oo loo Qarxinayaa?”

  1. maxamad says:

    qoraaga waxaan leeyahay kaba soo qaad in dowladu leedahay ama ay saraakisheedu u badanathay,shabaab xaq uma laha maadaama meesha ay bulsho kale oo badan ay fadhido waloow dowlada xataa aysan banaaneen in la dilo .tan shabaab dowlada kaliya ma ugaarsadaan 21 october 11haween ah oo nadaafad ka shaqeynaayo ayaa miino loo dhigay ma dowlad bey ahaayeen?

Leave a Reply

*