|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo liifadda u gaabinayo Jaallayaashiisa Damul-jadiid.

Tan iyo markii Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay Xilka Madaxtinimadda ee dalka Somalia, waxaa aad loo hadal-hayey hanweynidda Jaallayaashiisa Damul-jadiid ee ka soo go’day Urur-diimeedka Al-islaaxa Somalia, oo iyagu isku arka inay xaq u leeyihiin inay gacanta ku wada dhigaan Maamulka Qaranka oo dhan.

Hamiga noocaasi ah oo weli sii bidhaamaya, ayaa waxa uu kiciyey bulhan xooggan, iyadoo Kooxda Damul-jadiid ee uu Madaxweynuhu ka tirsan yahay ay noqdeen kuwo ku soo hirta Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, oo mar noqotay Xarunta Kooxda Damul-jadiidka.

Dareenka Kacsanaanta iyo Xisbiga Damul-jadiidka, ayaa u muuqda mid xilligiisa ka soo hordhacayo, maadaama uusan dalka weli ka hirgelin Nidaamka Xisbiyadda Badan.

Hanka Damul-jadiid xilligan garowshiyo ma laha, waayo Damul-jadiid kuma aysan soo bixin Doorasho Qaran oo ay ku baratameen Ururro ama Xisbiyo Siyaaasdeed, illayn dalkeenna weli kama dhicin Doorashadda Xisbiyadda badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ku hareeraysan La-taliyayaal Waddniyiin ah oo inta badan ku baraarujiya inuu kala saara Danta Qaranka iyo Damaca Kooxda Damul-jadiid.

Talo-siintaasi, ayaa la dhihi karaa inay sababtay inuu dhabarka mariyo Jaallayaashiisa la soo halgamay, si uusan majaha ula gelin mowjaddo-siyaasadeed oo kaga iman kara gudaha iyo dibedda.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iminka u muuqda inuu si hoose ula hadlay Jaallayaashiisa  Kooxda Damil-jadiid, si aysan isaga bohol-siyaasadeed ugu ridin, illayn Madaxweynuhu waxa la gudboon inuu cashar xusuus iyo ku-dayasho mudan ka qaato Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo isagu soo dhaweystay Kooxdiisa Alla-sheekha, kuwaasi oo ugu dambeyntii Shariifka u abuuray Caddowtooyo siyaasadeed oo sababtay inuu Daaqadda ka baxo.

Guuxa Kaadiriinta Kooxda Damul-jadiid oo laga dheehan kara inuu saluug iyo mucaaradnimo ka dhex jiro, ayay waxay badankooda rajo ka muujinayaan inay  jagooyin ka heli doonaan Xilalka Qaran ee aan weli lagu dhawaaqin,siiba Wasiiru-dowlayaasha, Wasiir-ku-xigeennadda, Agaasimayaasha Guud, Taliyayaasha Qeybaha Ciiddamadda iyo Safaaraddaha Somalia
W/Q. Wariye: Anwar Bakhiit

www.Nuxur.com

cabdixakiin@nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*