|

Tarsan “ aniga sheikh shariif waan wada shaqayn jirnay, laakiin aniga shaqsiyan si gaar ah uguma heelanaynin..

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xukuumadii dhacday ee uu Hogaamin jiray sheikh shariif, oo la sheego in ay saaxiibo dhaw yihiin Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in Dowladii sheikh shariif uusan si gaar ah ugu shaqayn jirin, waxa uuna meesha ka saaray in uu xiriir dhaw la lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheikh shariif.

Sidoo kale Waxaa uu kahadlay Inuu daacad uyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed oo siyasad ahaan uu tageersanaa.

“ aniga Xildhibaanimada hadii la iga qaaday ma ahan in aan ka baxay Somaliya waan ka sii shaqayn Doonaa, laakiin aniga iyo sheikh shariif si gaar ah saaxiibo dhaw uma ahayn”ayuu yiri Tarsan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhanka kale sheegay in xitaa hadii xilkaas uu waayo ama laga qaado uu ku noolan doono gudaha Soomaaliya kana shaqeyn doono.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*