|

Col C/laahi Xasan Bariise : dhaawaca Jeneraal Cali gab waa fiican yahay hadana isbitaal ayuu yaalaa..

Saacado kadibg markii uu dhaawac soo gaaray Taliyaha Ciidamada Nabadgalyada wadooyinka Cali Xirsi Barre  Cali Gaab, ayaa waxaa arintaas ka hadlay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shaqaaqo maanta ka dhacday Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho, taasoo uu ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Nabadgalyada wadooyinka Cali Xirsi Barre  Cali Gaab.

Col C/laahi Xasan Bariise oo ah Afayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhaawac uu soo gaaray Taliye Cali Gaab oo ah Taliya ciidamda nabadgalyada wadooyinka, wuxuuna sheegay in xaalada Taliyaha ay tahay mid wanaagsan.

Col. Bariise ayaa sheegay in Taliyaha uu dhaawac ka soo gaaray wadada 21 October, halkaasoo la soo dhigay isbaaro, waxaana taliyaha isagoo uu isku xilqaamay inuu ka qaado isbaarada, balse uu dhaawac soo gaaray.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*