|

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Soomaaliya ee Jubbooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid oo Xaaladiisa soo hagaagayso..

Wararka ka imaanaaya magaa;a xeebeedka kismaayo oo ay bilo  ka hor la Wareegeen Ciidamada kenya ayaa sheegaya in  mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda laga qaaday kaddib markii uu xanuun ku soo booday.

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa loola cararay Isbitaal ku yaala Magaalada Niarobi ee xarunta Dalka Kenya, kaddib markii uu ku soo booday cudurka dhiigkarka oo uu horay u qabay.

Diyaarad nooca qummaatiga u kaca ayaa looga qaaday Magaalada Kismaayo sida ay wararku sheegayaan waxaana la geeyey isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*