|

Ugaas Cabdullaahi Ugaas oo baaq u diray Beelaha ku dagaalamay Gobolka Galgaduud..

Dagaalo kulul oo dhiig ku daatay ayaa ka dhacay Gobolka Galgaduud saacadihii la soo dhaafay, waxaana arintaas ka hadlay Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ah Ugaaska Beesha Murusade.

Waxa uu sheegay faracade in beelahaas Soomaaliyeed ee halkaas ku dagaalamaya, uu ugu baaqaya in ay dagaalka joojiyaan.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faracade ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn uga xunyahay dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay deegaanka Baalal-dheere, kaasi oo u dhexeeyay labo beelood oo walaalo ah, islamarkaana wada dega Gobolka Galgaduud.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*