|

Madaafiic xalay lagu Garaacay Xarunta Madaxtooyada iyo Warar ka soo baxaya..

Madaafiic Xoogan ayaa xalay lagu garaacay xarunta madaxtooyada, waxaana la sheegay in intooda badan au ku hoobteen xaafado ay dad shacab ah ku nool yihiin oo ku yaala degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdas ay ku dhaceen meelo ka baxsan Madaxtooyada, waxaana soo baxaya warar kala duwan.

Xaafada Busley ee degmada Boondheere ayaa la sheegay in uu Madfac ku dhacay waxaana la sheegay in uu ku dhacay qoys, waxaana ku dhaawacmay lix qof oo ka koobnaa Aabe hooyo iyo afar caruur ah sida uu sheegayaan dadka degaanka, kuwaasoo xili habeenimo ah loola cararay isbitaalada.

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin madaxda ugu ugu sareysa dowlada Somalia, iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare nafeed.

Sidoo kale degmada Wardhiigley ayaa waxaa iyana ku dhacay madaafiic kale oo la soo sheegayo iney geysteen khasaarooyin soo gaaray dad shacab ah, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in dhaawaca ka sokow ay jiraan dad ku dhintay.

Sidoo kale madaafiicdan ayaa imaanaya Xili shalay uu Muqdisho ka anbabaxay Madaxweyne Xasan sheekh oo uu aaday dalka Turkiga, waxaana lagu wadaa Madaxweyne Xasan shekh in uu markii uu soo dhamaysto safaraka Turkiga uu Yimaado Kenya.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*