|

Diyaarada Horn of Africa airline ayaa si rasmi u Bilawday duulimaadyo ay ku tagi Doonto Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya…

Waxaa shalay Magaalada Muqdisho ka shaqa bilaawday shirkad Duulimaad oo ku tagi Doonto Duulimaad, Gobolada bartamaha Soomaaliya oo sanadihii la soo dhaafay aysan tagin wax Duulimaad ah.

Diyaarada Horn of Africa airline oo ka mid ah Diyaaradaha haatan  ka shaqa bilaabay Soomaaliya ayaa si rasmi u shaacisay in ay tagi Doonto Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Shirkadan ayaa ka heshay aqoonsi Wasaarada Duulista ee Dowlada Soomaaliya, Waxayna Qoraal  laga soo saaray xafiiska Diyaarada Horn of Africa airline oo soo gaaray Nuqul ka mid ah Bogan Nuxur.com lagu sheegay in ay bilawday shaqadaas.

Sidoo kale Diyaaradan ayaa qorsheyneysa inay maalin walba duulimaadyo ku tagto magaalooyinka Baydhabo, Beledweyn, Kismaayo, iyadoo ka ambabaxeysa magaalada Muqdisho.

Gobolada dhexe ee Soomaaliya sida caasimada Galgaduud ee dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa waxay sanadihii la soo dhaafay ka dagi Diyaaradaha shirkadaha Daalo, Jubba iyo afrika kuwaas oo ka qaadi Jiray Xujey.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*