|

Dayib Dubad Rooble “ Dowlada Jabuuti waxay ka qeyb qaadanaysaa dhisida hay’adaha amaanka dalka Soomaaliya..

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo la hadlayay saxaafada Muqdisho ayaa ka hadlay safar maalmo ka hor uu ku tagay magaalada B/weyne wasiirka Difaaca jabuuti.

Waxa uu sheegay safiirka in Dowladiisa ay ka Qeyb qaadanayso dhisida hay’adaha amaanka waxa uuna sheegay in ay tababar siin doonaan Ciidamada Somaliya dhawaan ayna u furi doonaan Xerooyin Ciidan.

Dayib Dubad Rooble Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in aysan jabuuti garab taaganayn Dowlada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda ay tababar u furi Doonaan Ciidamada Somaliya ee jooga Gobolka hiiraan.

Sidoo kale Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladdaha xubinta ka ah ururka midowga afrika ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin Soomaaliya iyadoo dhawaan wasiirka gaashaandhiga Dowladda Jabuuti oo booqasho ku yimid magaalada Baladweyne ee xarunta Goblka Hiiraan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*