|

Madaxweyne Xasan shekh iyo Madaxweynaha Turkiga oo kulan qaadan Doona saacadaha soo socda..

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga oo uu shalay gaaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta lagu wado in halkaas kulan ay ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga.

Labada madaxweyne ayaa kulan ku yeelan doona Xarunta Madaxtooyada, waxana ka soo baxaya warar kala Duwan kulankaas.

Madaxweynaha oo ayaa safarkiisa waxaa ku Wehliyo wasiirro ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin wasiirrada Gaashaandhigga iyo  Maaliyadda, dibada waxaana ay halkaas joogi doonaan maalmo.

Madaxweynaha Turkiga, Raisal Wasaaraha Turkiga iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu kulamo gooni gooni ah la yeesho Madaxweyne Xasan sheikh.

Sidoo kale Labada dowladood waxa ay ka wada hadlidoonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowlada Turkiga ay uga qeybqaadan laheyd dib u dhiska dalka iyo ciidamada qalabka sida.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*