|

Afhayeenka ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xaamud oo sheegay in la baarayo haweenka la sumeeyay..

Saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ciidamada amisom ee Jooga Garoonka Muqdisho, ay sumeeyeen Haween Soomaaliyeed ayaa waxaa arintaas ka hadlay Taliska ciidamada AMisom.

Afhayeenka ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in la baarayo arintaan waxa uuna meesha ka saaray in aan la cafin doonin askarigii ay ku soo baxdo falkaan foosha Xun.

“ waan maqalnay arintaan waana baaraynaa cidii ay ku cadaato maxakamad ayaan soo taagaynaa, waana hor gaynaynaa dalka uu ka dhashaya”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xaamud.

Sidoo kale Gabadhan oo ahaa Lix ayaa banaanka loo soo saaray iyagoo suuxsan, waxaana ay kamid ahaayeen gabdho ku ganacsada gudaha xarunta Ciidamada amisom ay ku leeyihiin Xalane.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*