|

Kulan looga hadlayo amaanka oo goor dhawayd ka bilaawday Madaxtooyada iyo Wariyayaasha oo loo yeeray..

Waxaa goor dhaw la iskugu yeeray xarunta madaxtooyada Villa Somaliya saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta gudaha iyo mida dibada.

Kulan albaabada u xiran yahay ayaa waxaa uu haatana ka socdaa Xarunta Madaxtooyada, waxaana kulankaas goob joog ka ah Raisal Wasaaraha Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada amisom, Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya saraakiisha Ciidamada qalabka sida.

Kulankan ka socda Madaxtooyada ayaa waxaa looga arinsanayaa xaalada amaan ee Gobolka, gaar ahaan magaalada Muqdisho falkii xalay madaafiic lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyada.

Sidoo kale madaxda Dowlada gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga iyo Difaaca iyo saraakiil kale ay xaadir ku yihiin halkaas.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arimntaan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*