|

Saraakiisha amaanka Kenya oo sheegay in shabaab qaraxyo ka gaysan doonaan Kenya maalmaha Doorashada..

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay jiraan weeraro ay alshabaab ku qaadi rabaan dalkeeda xiliga lagu duda jiro doorashooyinka madaxweynenimo, taasoo dhaceysa Sanadka soo socda Bilowgiisa.

Afayeenka Booliiska Kenya Mattew Iteera ayaa sheegay inay jiraan hanjabaadyo ka imaanaya Alshabaab, isagoo sheegay inay alshabaab ka faa’iidetsan rabaan inta ay socoto Doorashada dalka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Alshabaab ay waqti kasta qorsheynayaan weeraro ay ku naafeynayaan Dalka iyo Dadka Kenyanka ah, wuxuuna ugu baaqay inay dareen feejigan lahaadaan.

Laamaha amaanka dalka Kenya iyo Sirdoonka Dalka ayaa shaqo adag haya, waxayna la socdaan dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa ay badiyeen jidgooyooyinka lagu xaqiijinayo amaanka dalka.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*