|

Labo wariye oo ka tirsan wariyayaasha ugu caansan Dalka Mareykanka ayaa isaga tagay shaqadii ay ka hayeen Telefishinka Caalamiga ah ee ABC, waxayna ku dhawaaqeen xili ay war Live ka akhrinayeen TV-ga…

Labo wariye oo ka tirsan wariyayaasha ugu caansan Dalka Mareykanka ayaa isaga tagay shaqadii ay ka hayeen Telefishinka Caalamiga ah ee ABC, waxayna ku dhawaaqeen xili ay war Live ka akhrinayeen TV-ga.

Labada wariye oo kala ah Cindy Michaels & Tony Consiglio ayaa akhrinayay War Live ah oo ka baxayay TV-ga ABC, waxaana ay shaaciyeen marki ay soo gaba gabeeyeen warka.

Cindy Michaels oo ka mid ahayd wariyayaasha iska casilay shaqadooda ayaa sheegtay inay iska casileen shaqadaasi, waxaana TV-ga uu markaasi ahaa Live oo waxaa daawanayay Malaayiin Mareykan ah.

Wariyada oo laga sugayay inay warka soo xirto sidi caadada ahayd ayaa ku soo xirtay warki marki ay dhamaysan sidan.

“Ugu damebyntii caawa, waa war akhrintii ugu dambeysay Tony iyo aniga oo aan wadajir wararka uga akhirinno halkan ABC”.

“Lixdii sano ee aan halkan wadajirka u joognay waxay aheyd mid xiiso leh, waxaan wada qaadanay waqti xiiso leh, waxaynu wada aheyn war akhriyaashii wadajirka wararka u akhrin jiray ee ugu mudada dheeraa” ayuu sii raaciyay dhankiisa yiri Tony Consiglio.

Consiglio oo hadalka sii wata ayaa yiri ” Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Cindy waxaan aad u jecleyn daqiiqad kasta oo aan idiin soo gudbin jirnay, idinkoo ku sugan guryihiina wararka , waxaana ka tagida shaqadeena ay la xiriirtaa arimo badan oo soo kordhay, waxaana u aragnay inay tahay talaabo ku haboon xiligan ”.

Wariyayaasha oo wareysi kale siiyay qaar ka tirsan Warbaahinta Mareykanka ayay sheegeen in shaqaalaha TV-ga loola dhaqmo qaab xun, iyagoo sheegay inay ka fiican tahay inti sharafta laga ridin ay isaga tagaan.

Ugu dambeyna wariyayaashaan ayaa lagu wadaa inay goob kale ka shaqo bilaabaan, maadaama ay yihiin wariyayaal caan ah oo aad looga yaqaano mareykanka.

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*