|

Wasiirada difaaca ee Somaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shir jaraa’id wada qabtay, kadib kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen magaalada Ankara, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Abadallah Gul uu balan qaaday inuu xoojinayo taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay fadhiyeen Wasiirada labada dal ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh bogaadiyay taageerada Turkiga ay siiyaan Soomaaliya, isagoo balan qaaday inay xoojin doonaan xiriirka kala dhaxeeya walaalaha Turkiga.

Intii uu socday shirka jaraa’id ayaa Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga ay ka saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga ammaanka iyo milateriga, waxaana uu qeyb ka yahay dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo ah kii u horeeyay noociisa ee ay labada dal gaaraan, ayaa ka duwan heshiisyadii hore ee ay labada dal u gaareen oo ahaa dhinaca horumarinta iyo hirgelinta mashaariicda dib u dhiska iyo waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u kicitimi doona caasimada Turkiga ee Istanbul, si uu halkaas kulamo kula qaato Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, waxaana labada mas’uul ay mar kale xoojin doonaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Turkiga ayaa kaalin lixaad leh ka qaatay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyed, iyadoo la xusuusto sida ay ugu soo gurmadeen sanadkii hore xilligii abaaraha, oo Ra’iisul Wasaare Erdogan booqasho ku yimid Caasimada Soomaaliya.

Hey’ado ka socda Turkiga ayaa Muqdisho ka wada howlo isugu jira sama fal iyo mashaariic horumarineed, iyadoo dhowaan bilaabi doona dhismaha wadooyinka bur bursan, iyadoo Istanbul lala mataaneyn doono Muqdisho.

www.Nuxur.com

cabdixakiin@nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*