|

Allaha u Naxariistee Fanaan Axmed Heybe Caraalle ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho..

Allaha u naxariistee Fanaan Axmed Heybe Caraalle ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho gelinkii dambe manta

Fanaanka oo dhalay Nimco axmed haybe oo aad loogu yaqaan Turjumida filimaanta ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay.

C/risaaq Axmed Heybe oo ah wiil uu dhalay Fanaanka ayaa sheegay in Aabihiisa u dhintay xanuun galabta ku soo booday..

Allaha u naxariistee Axmed Heybe Caraalle ayaa waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi.

Sidoo kale fanaanka ayaa lagu wadaa in bari lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxa uuna ka mid ahaa fanaaniinta soomaaliyeed oo aan dalka ka bixin wixii ka danbeeyay Burburkii Soomaaliya, waxa uuna daganaa Hoyga fanaaniinta Soomaaliyeed Ex. Fiyoore.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin@nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*