War deg deg ah: Ciidamada Dowlada oo wada baaritaano Wadada Warshadaha oo ay isku Gadaameen Ciidamada Dowlada..
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa isku gadaamay Magaalada Muqdisho caawa, waxayna ka wadaan Howlgalo baaritaano ah.
Ciidamada Dowlada ayaa wada baaritaano waxaana magaalada lagu arkayaa Ciidamo aad u badan, kuwaas oo si taxadar leh dadka iyo gaadiidka u baaraya.
Sidoo kale Wadada Warshadaha ayaa la sheegay in ay Ciidamada isku gadaameen kuwaas oo uga shaki qaba in Xalay Madaafiicdii lagu gaaray afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada laga soo Riday.
Ma jiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada oo ku aadan Howlgalka caawa iyo dad ay u qab qabteen, waxaa heegan ku jira Ciidamada amaanka Qaranka caawa.
Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas
