Raisal Wasaare Saacid oo la kulmay Taliyahya Ciidamada amisom General Andrew Gutti oo ka soo laabtay adis ababa
Xili saacado ka hor uu dalka ku soo laabtay General Andrew Gutti Taliyaha ciidamada amisom ayaa waxaa kulan albaabada u xiran la yeeshay Raisal Wasaaraha Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in looga hadlay amaanka Muqdisho iyo Weeraradii habeen hore shabaab u gaysteen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Muqdisho oo xiligan amaan ah ay ku soo laabtaan weerarada madaafiicda, isagoo dareen ka muujiyya Duqeymahaasi.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada amisom ayaa ka cudur daartay Qaladkaas dhacay, waxa uuna balan qaaday in amaanka Muqdisho uu wax ka qaban doono.
Kulanka xalay dhexmaray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa ku soo aaday xili uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha dalka, wuxuuna sidoo kale Taliyaha uu shalay ka soo laabtay magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
