|

Xaalada xaafada islii oo dagan kadib baaritaan saacado ka hor ka dhacay islii..

Waxaa caadi ku soo laabtay xaalada xaafada islii oo ay Somalida dagan tahay, kadib baaritaano saacado ka hor ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa baaritaanno balaaran ka billaabay xaafadda  saacado ka hor, kuwaas oo bartilmaameedsanayaya xaafado gaar ah sida ay wararku sheegayaan.

Xaafada California iyo guryo gaar ah sida yaara haws, al-Xayaat, Burcadbadeedka iyo guryo kale oo ku yaala Degmada kaama kuuji ee xaafada islii ayay Ciidamada amaanka Kenya baaritaano ka sameeyeen.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay xaafadaha Guri guri u baarayeen, kuwaas oo dadka sharci la aanta ah qabanayay.

Sidoo kale Goobaha ay sida weyn ubaarayaan ciidamada ayaa waxaa kamid ah sectoin 3, Sectoin 1, Wadooyinka  7-ka 5-ka iyo meelo kale oo kamid ah xaafada Islii.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*