|

Saraakiil ka tirsan Kenya oo u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in Qaraxii xalay ka dhacay islii

Kadib Qaraxii  dhacay Magaalada Nairobi  gaar ahaan xaafada Soomaalida ee Islii ayaa dowlada wadanka Kenya waxa ay durbadiiba eedeyntiisa dusha kaga tuurtay dhalinyaro ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya.

Warbaxin ay ka qortay Wakaalada wararka Reuters qaraxii xalay Nairobi ka dhacay waxa ay ku sheegtay in qaraxa eedeyntiisa lala xiriirinayo Ururka Al-Shabaab oo inta badan falalka amaandari ee Kenya ka dhaca ay mas’uuliyiinta Kenya ay la xariiriyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa sheegey in qaraxa uu ahaa mid argagixiso ah oo lala damacsanaa in waxyeelo loo geysto garoon ciidamada cirka Kenya ay lahaayeen oo ku yaala goob aan sidaa kaga fogeyn halka uu qaraxa uu ka dhacay.

Goob jooge la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa tilmaamay in markii qaraxa uu dhacay kadib ay goobta soo gaareen ciidamo Poliis Kenyaati ah oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

Leave a Reply

*