|

Sarkaal ka tirsan Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan Qaaradda Afrika, General Carter Ham oo ka hadlay..

Mas’uul sare oo ka tirsan Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan Qaaradda Afrika, General Carter Ham ayaa sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay sidii cagta loo marin lahaa Kooxaha Islaamiyiinta ee Xagjirka ah ee ka hawlgala qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.

General Carter ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Kambuska Jaamacadda George Washington University oo ku taalla magaalladda Washington DC, wuxuuna tilmaamay inuu Taliskiisa ka go’an tahay sidii loola tacaali lahaa Kooxaha Mintidiinta Islaamka eek a dagaalanta Geeska Afrika ilaa Waqooyiga Afrika.

‘Waa naga go’an tahay inaan gacmaha ula tagno Xagjiriinta Alshabaab Somalia ilaa Kooxda Boka Haram ee dalka Nigeria’ ayuu yiri General Carter Ham, oo geesta kale xusay inay casharo waayo-aragnimo ah kaga kororsadeen Hawlgalka ay Ciiddamadda AMISOM kula jiraan Kooxaha Argagixisafdda ee Alshabaab.

Mas’uulka waxa uu ammaanay sida ay Ciiddamadda Afrikaanka ee AMISOM, xididada ugu siibeen Kooxda Alshabaab, wuxuuna qiray inay Dowladda Maraykanka iyo Beesha Caalamka gacan ka geysteen sidii Maleeshiyadda Alshabaab looga saari lahaa magaalladda Kismaayo iyo qeybo ka mid ahaa Muqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*