|

Ardayda Jaamacadaha Muqdisho Oo Xarunta Golaha Shacabka Su’aallo Ku Weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka

]Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta waxa ay Ardayda wax kabarta Jaamacadaha magaalada Muqdisho su’aallo ku weydiiyeen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Ardayda ka dhageystay fikaradahooda ku aadan sida ay jeclaan lahaayeen in Baarlamaanka iyo Dowladdaba ay u shaqeeyaan.

Kulankan fikirka,talada iyo su’aallaha ay isku dhaafsanayeen Gudoonka Baarlamaanka iyo Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho wax ka barta oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Ardaydii horey Jaamacadaha uga qalin jebiyey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Warbaahinta Qaranka ayadoo Barnaamijkana uu taaba geliyey ururka dhalinyarada ee SYL II.

Bilowgii Barnaamijkan ayaa Ardayda kasoo qeybgashay oo gaareysay 300Arday iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxey si wadajir ah ugu duceeyeen Ardaydii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay magaalada Muqdisho gaar ahaanna Ardaydii lagu kala laayey Qaraxyadii Hotel Shaamow iyo Warshadii Hargaha iyo Saamaha waxaana ay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa jano siiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu Ardayda faah faahin ka siiyey qorshe howleedka ay gudoonka Baarlamaanku diyaariyeen in Golaha Shacabku ay ku shaqeeyaan afarta sano ee soo socota waxaana uu Gudoomiyuhu tilmaamay in qorshaha Baarlamaanku uu yahay in Afar sano kadib ay dalka gaarsiiyaan in shacabku ay Madaxdooda dooran karaan.

“Ardayeey waxaan marka hore idinkaga mahad celinayaa sida aad uga soo qeybgashay kulanka la dinku casuumay,maamullada Jaamacadahana waan ku ammaanayaa sida ay Casuumaada u aqbaleen,sidoo kale Warbaahinta Qaranka waxaan uga mahad celinayaa qaban qaabada Barnaamijkan,ururka SYL II sidoo kale waxaan uga mahad celinayaa taaba gelinta barnaamijkan waxeyna ii tahay fursad weyn inaan la kulmo intaan oo dhalinyaro ah” ayuu yiri Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka.

Gudoomiye Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in u jeedada kulankan loo qabtay ay tahay in Gudoonka Baarlamaanka uu dhageysto fikradaha kala duwan ee ay qabaan Ardayda wax kabarata Jaamacadaha Dalka iyo kuwa ka qalin jebiyey maadaama ay Ardaydu yihiin mustaqbalka iyo hogaanka berito.

Ardayda Jaamacadaha magaalada Muqdisho wax kabarata ee iyagu barnaamijka ka qeybgalay ayaa su’aallo si toos ah u weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayadoo su’aallaha ardaydana ay u badnaayeen in Dowladdu fursaddo u abuurto Ardayda ka qalin jebiya Jaamacadaha Dalka iyo in sidoo kale ay Dowladdu qorshe taageerro ah u dejiso hormarinta Waxbarashada Dalka si dhibaatada jahliga laga dhaxlay looga gudbo.

Ardayda barnaamijka fikir iyo tallo isweydaarsiga maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka kasoo qeybgashay waxey uga mahad celiyeen Gudoonka Baarlamaanka sida uu waqtiga ugu huray islamarkaana uu fursad ugu siiyey iney aragtidooda usoo gudbin karaan islamarkaana ay weydiin karaan su’aallaha ay qabaan waxaana ay Ardaydu sidoo kale codsadeen in la joogteeyo tashiyada dhexmaraya Madaxda Sare ee Dalka iyo Ardayda Jaamacadaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka jawaabayey su’aallo ay Ardayda weydiiyeen ayaa tilmaamay in Dowladdu ay fursad siin doonto dhalinyarada ka qalin jebiya jaamacadaha Dalka maadaama ay daruufo adag wax ku barteen isagoo Ardaydana si gaar ah uga farxiyey in fursada ugu horeyso uu Baarlamaanka siin doono bisha Jauary ee fooda inagu heysa fursadaasina ay tahay shaqaalle uu Baarlamaanku qaadanayo.

Waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka codsaday Ardayda ineysan marnaba ka bakheylin aragtidooda ay u arkaan in lagu hagaajin karo Dalkooda islamarkaana lagu gaari karo yoolka la hiigsanayo ayadoo Mudane Jawaarina uu ballan qaaday in kulamada noocan ah ay noqon doonaan kuwo la joogteeyo.

Gebagebadii Barnaamijka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari soo bandhigay shax uu ugu magac daray Arday Xildhibaan taasi oo uu xusay in looga gol leeyahay in Ardayda iyo Baarlamaanka mar walba si ay isaga warqabaan waxaana shaxdaasi ay tahay mid fududeyn doonta in Ardaydu ay xili kasta talooyinkooda kusoo gaarsiin karaan Gudoonka Baarlamaanka.

Kulankii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo iyagu talaabo hormar leh ku tilmaamay in Ardayda Jaamacadaha dhigta fursad loo siiyo iney Xarunta Golaha Shacabka Madaxda sare ee Dalka Su’aallo ku weydiiyaan.

Waa markii ugu horeysay oo ay Madaxda sare ee Dalku fursad u siiyaan Ardayda Jaamacadaha Dalka wax ka barata iyo kuwa ka qalin jebiyey iney toos ula kulmaan islamarkaana ay fikir iyo su’aal toos u weydiiyaan waxaana qaar ka mid ah Ardayda ka qeybgashay Barnaamijkan maanta o la hadlay Warbaahinta Qaranka ay kulankan ku tilmaameen inuu yahay mid doorkii ay Dalkooda ku lahaayeen lagu siinay ayagoo Warbaahinta Qaranka iyo ururka SYL II uga mahad celiyey sida ay Barnaamijkan isagu howleen qabashadiisa.

Feysal Muuse Maxamed

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com

cabdixakiin441@gmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*