Masjidkii ugu weynaa ee Soomaalida Norway ay dhisato… (MUUQAAL)
Masaajidkii ugu horeeyay oo ay Soomaali leedahay dhul iyo dhismaba oo lagu daah furay magaalada Oslo ee Dalka norway, Masaajidka ayaa waqtiya badan soo maray oo aad ukala duwan, heerarkaas ama arxaladahaas ayaa ahaay kuwa adag mararka qaarkood.
Masaajidka dhismahiisa ayaa waxaa ka qeyb qaatay dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan Norway, laakiin waxaan meesha ka marneyn masaajidada kale iyo Soomaalida ku dhaqan wadamada Yurub qeybaheeda kala duwan.
Masaajidkan ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 5 dabaq, kuwaasoo inta badan loogu tala galay in lagu cibaadeeysto rag iyo dumarkba, marka laga reebo ugu sareeyo oo xafiisyada masaajidka ku yaalaan.
Waxaa diyaariyey
Cali wadani
webmaster@nuxur.com
www.nuxur.com











































