|

Damaashaadkii Sanadka Cusub Ee Dalka Ivory Coast Oo Murugo Iyo Baroor Diiq Isku Badalay Ka Dib Boqolaal Dhimasho Iyo Dhaawaca La Kala Guri Kari Waayay..

In ka badan Todobaatan qof ayaa ku dhintay, boqolaal kalana way ku dhaawacmeen, ka dib markii kumaan kun qof oo isugu soo baxay badhtamaha caasimadda ganacsiga iyo maamulka ee dalka Ivory
In ka badan Todobaatan qof ayaa ku dhintay, boqolaal kalana way ku dhaawacmeen, ka dib markii kumaan kun qof oo isugu soo baxay badhtamaha caasimadda ganacsiga iyo maamulka ee dalka Ivory Coast ay mar qudh is jiidh ka dhex dhacay.

Ururka Dhakhaatiirta Dalka Ivory Coast ayaa shaaca ka qaaday in dhimashadu gaadhay ilaa todobaatan, halka dhaawacuna ka marayo ilaa lixdan qof, kuwaas oo ah dad dhamaantood shacab ah oo isugu jira ama u badan carruur iyo haween.

Masuul u hadlay dalkaas oo waraysi siiyay wakaalada wararka Faransiiska ayaa sheegay in dad boqol kun kor u dhaafayaa ay isugu soo baxeen, fagaare wayn halkaas oo ay ku sugayeen inay arkaan, rashka iyo buluu laydhyada la ridayo, laakiin shay kale ka dhex dhacay kaas oo sida dabka oo kale u ifayay ka dibna dadku is baqo jiidhay.

Xaalada ayaa mar kaliya isu rogtay argagax iyo anfariir waxaanay damaashaadkii sanadka cusub ee la sugayay uu isu badalay baroor diiq iyo murugo sida masuulkaasi u sheegay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.

Inta badan waddamada africa waxa ka dhaca dabaal degyada sanadka cusub loogu diyaar garoobayo, masiibooyin dabiici ah oo ay sababaan ama hoosta ka maleegaan kooxaha tuugada ah kuwaas oo ka faa?iidaystay marka is jiidhku dhaco.

Faysal Maxamed Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*