|

C/llaahi Ciilmooge Xirsi “ Qorshaha aan qaban doono Boqolka maalin waa 25 qodob..

Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Dalxiiska C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka hadalay waxa uu ku tilmaamay Qorshaha Dowlada ee Boqolka maalin ee soo socota.

Waxa uu sheegay Wasiirka in 100-  lagu qabandoonto in ka badan 25 qodob oo aan hore loo qaban iyadoo qalabka warbaahinta shacabka loogu soo bandhigidoono, wax qabadkaas.

“ qorshaha aan wadno ka xukuumad ahaan wuu balaaran yahay waxaana ka mid ah Bilicda amaanka adeega bulshada caafimaadka Waxbarashada iyo kuwa kale, Wasaarad kasta waxaa looga baahan yahay in ay soo bandhigto wixii ay qabato”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Dalxiiska C/llaahi Ciilmooge Xirsi

Sidoo kale  C/llaahi Ciilmooge Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada Iyo Isgaarsiinta ayaa tilmaamay in wasaarada warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ay qodobadaasi kaga soo aadeyso Shan ilaa Lix qodob,   isagoo xusay in ay wasaaraddu uga soo dhalaalidoonto si hufan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

www.Nuxur.com

cabdixakiin441@hotmail.com


Tags: , , ,

nuxur nuxur

Leave a Reply

*